Tirada Atomikga ee curiye waxay la mid tahay tirada borotoonis ee ku jirta bu'da curiyahaas, isla markaana waa tan qeexda astaamaha falgalka ee curiyahaas. Tusaale ahaan, dhamaan atomyadaKaarboontu waxay ka kooban yihiin 6 borotoonis (protons) taas oo macnaheedu yahay tirada atomikga ee Kaarboon waa 6. Dhinaca kale, atomyada Kaarboontu waxaa laga yaabaa ineey leeyihiin tiro nuyuutroono (neutron) kala duwan; marka atomka curiye isku mid ah kaas oo leh tiro nuyuutroono kala duwan waxaa lagu magacaabaa isotopeka curiye.
Tirada borotoono ee ku jirta bu'da (nucleus) atomika curiye waxaa lagu ogaan karaa saxarada koronto (electric charge) taas oo ku xidhn tirada elektaroono ee atomkaasi.
Sidoo kale, elektaroonadu waxay ku wareegaan bu'da atomka ayagoo sheega astaamaha iyo dhaqanka curiyahaas.
Tirada nuyuutroono ee caloosha atomka ku dhex jirta inta badan saamayn kuma laha dhaqanka curiye.
Calaamada astaanta u ah tirada atomika ee atom waa halbeegaZ.
Miisaanka & Cufka Atomik
Tirada cufka ee curiye, (calaamada halbeegaA), waa tirada Nukliyuusta (nukliyuustu waa tirada borotoonada iyo nuyuutroonada) ee ku dhex jirta bu'da atomik.
Isotopeyo kala duwan oo curiye isku mid ah waxaa lagu kala saaraa ama soocaa tirada cufka ee atomka[3], taas oo lagu qoro bidixda astaanta curiye (e.g 276C).
Tusaale fiican waxaan u soo qaadan karnaa curiyaha Magniisiyaam tirada cufkiisu waa 24, marka waxaan u qoraynaa Magniisiyaam-24, taas oo u dhiganta 12 borotoon iyo 12 elektaroon.
Halka tirada cufku ka tahay tirada nuyuutroono iyo elektaroono ee atom, cufka atomikgu waa tirada saxda ah ee cufka isotope gaar ah ee curiye. Calaamada halbeega u ah cufka atomik waa u.
Isotopes
Dhinaca kale, isotope waa atomyo ka tirsan hal curiye kuwaas oo leh tiro borotoono isku mid ah, laakiin tirada nuyuutroonadu kala duwan yihiin.
In ka badan 66 ka mid ah 96ka curiye si dabiici ah loo helo, waxay leeyihiin in ka badan hal isotope dagan[4]. Tusaale ahaan, curiyaha Kaarboon wuxuu leeyahay 3 isotope oo kala duwan. Hadaba tirada borotoono ee Kaarboontu waa isku mid, dhamaantood waa 6, laakiin waxay kala leeyihiin 6, 7, iyo 8 nuyuutroon.
Maadaama tirada cufka ee kaarboon tahay 12, 13 iyo 14 gebi ahaan waxaa inoo soo bixi sadex isotope oo kala ah kaarbon-12 oo loo qoro 12C, kaarboon-13 13C, iyo kaarboon-14 14C.
Kaarboonta ku jirta nolosha maalin kasta waa iskujir 12C, 13C, iyo 14C.
Guud ahaan, curiyeyaasha inta u badan waxay leeyihiin isotopeyo radioactive ah, kuwaas oo in badani loo helo si dabiici ah, kuwo kalena lagu diyaariyo laabka (laboratory). Isotopeyada radioactive ah waa kuwo aan fadhiyin (unstable isotopes), laakiin haddii isotopeka atom aanu ahayn radioactive waxaa loo yaqaanaa isotope degan (stable isotope).
Dhamaan isotopeyada degani waa kuwo dabiici ah.
Shaxda Diiwaanka Curiye
Qaab-dhismeedka miiska diiwaanka curiye waa shax ka kooban 18 saf oo kor ka imanaya ilaa hoos iyo 7 saf oo ka bilaabma midig ilaa bidix, iyo labo saf oo ka hooseeya. Sidoo kale, miiska jadwalka diiwaanka curiye waxaa loo kala jabin karaa afar afar-gees oo kala ah: s-block oo dhinaca bidix xiga, p-block oo dhanka midig xiga, d-block oo dhexda ku jira, iyo f-block oo ka hooseeya dhamaantoodba.
Dhamaan curiyaha ka soo biloow mida koowaad ee Haydarojiin oo leh tiro atomic 1 ilaa laga gaadho curiyaha 118 Ununoktiyaam waxaa la helay wakhtiyo kala duwan iyo meelo kala duwan; ayadoo curiyaha 113, 115, 117 iyo 118 aan wali la xaqiijinin.
In kastoo qaarkood la arko qadar iyo tiro aad u yar, 98ka curiye ee ugu horeeya jadwalka Diwaanka Curiye ayaa ah kuwo si dabiici ah looga helo oogadadhulka.
Tirada curiye ee ku jirta khaanadaha guruubku way kala duwan yihiin. Qaarkood waxaa ku jira 8 curiye, kuwo kale wax ku dhex jira 6 curiye, halka guruubyada qaar ay ku dhex jiraan 4 curiye oo kali ah.
Heerarka Diwaanka Curiye
Qaabdhismeedka shaxda miiska lagu ururiyey curiyeyaasha ee loo yaqaano Diwaanka Curiye wuxuu leeyahay safaf khaanado u kala socdo kor iyo hoos (guruub), midig iyo bidix (heerka).
Heerku (period) waa safafka khaanadaha ee ka bilaabma midig ilaa bidix ee miiska jadwalka curiyayaasha, kuwaas oo ah todoba saf (7) oo qeybta sare ka kooban tahay iyo labo saf oo ka hooseeya.
Curiyayaasha ku jira saf heerka isku midka ah waxay leeyihiin cuf atomik, awood aayano (ions), iyo is-heysad elektaroono isku mid ah. Ka soo biloow midig ilaa bidix tirada gacan-atomik hoos ayay u dhacdaa. Tani waxaa keentay isku xigida borotoonada iyo elektaroonada curiye ayaa aad ugu sii dhowaanaya bu'da atomka.
S-block curiyeyaasha ku jira waa kuwo intooda badan firfircoon oo leh astaamo iyo calaamado ka duwan dhamaan guruubyada kale ee Diwaanka Curiye.
In kastoo ay ku jiraan khaanado kale, Haydarojiin iyo Hiliyaam waxaa lagu tiriyaa guruubkan s-block.
Dhaqanka iyo astaamaha s-block waxay la xidhiidhaa tirada atomic[6] ee curiyuhu leeyahay, midaas oo sii korodha marka la sii dhexgalo diwaanka curiye.
Labada guruub ee s-block waxay leeyihiin tirooyinka atomik ee hoos ku xusan:
F-blockta ku jirta Diiwaanka Curiye waa curiyehaatomkiisa ama aayaniskiisu (ions) leeyihiin elektaroono hab wareeg f (f-orbital).
Curiyayaashan waxaa sidoo kale loo yaqaanaa curiyayaasha dhexe ee transitionka.
Taariikhda Diwaanka Curiye
Sanadkii 1789 ayaa saynisyahan Antoine Lavoisier wuxuu sameeyay liisto ay ku jiraan 33 curiye kuwaas oo u kala qeybiyay bir, bir ma ahe, neefo iyo dhulka; asagoo ilaa dhimashaddiisii ku mashquulsanaa inuu helo curiyayaal kale.
Ka dib, sanadkii 1829 ayaa Kemisteriyahan Johann Wolfgang Döbereiner ee Jarmalka ah ayaa wuxuu keenay fikrada ah in curiyayaasha loo habayn karo falgalkooda kimiko ayadoo intii isku dhaqan ah meel la iskugu geeyn karo.
Taariikhdu markey maraysay 1862kii ayaa jiyoolajiis u dhashay Faransiiska Alexandre-Emile Béguyer de
Chancourtois ayaa wuxuu sameeyay noocii ugu horeeyay diwaanka curiye kaas oo ugu magac daray telluric helix. Ka dib, sanadkii 1864 ayaa saynisyahan u dhashay dalka Jarmalka Julius Lothar Meyer, asagoo tixraacaya jadwalka Chancourtois uu sameeyay shax diiwaan curiye oo ka kooban 44 curiye. Wakhti yar ka dib, saynisyahan Ingiriis ah ayaa balaadhiyay jadwalkaas oo ka dhigay 57 curiye, asagoo u habeeyay cufka iyo miisaanka eey leeyihiin curiyayaashu.
Isbedelo badan ka dib, sanadadii 1869kii iyo 1870kii ayaa professor ku takhasusay cilmigaKimisteriga Dmitri Mendeleev ee dalka Ruushka iyo kimisteriyahan Jarmalka u dhashay Julius Lothar Meyer soo daabaceen jadwalkii ugu horeeyay ee diiwaanka curiye een maanta naqaano. Labadooduba waxay sameeyeen shax jadwal leh guruubyo iyo heerar muujinaya sida curiyeyaashu qaraabada u yihiin.
Sanado badan ka dib waxaa la isla afgartey in shaxda jadwalka Dmitri Mendeleev loo aqoonsado in uu yahay aasaaska diiwaanka curiye ee saxda ah. Wakhtigii ka dambeeysay dhimashaddiisa ilaa sanadkii 2000 dib u habayn, curiye ku daris iyo isku hagaajin ayaa ku socotay jadwalka diiwaanka curiye.
Qeybaha Diiwaanka Curiye
Ayadoo la tix-raacayo naqshad uu sameeyay saynisyahanRuush ahaa oo la odhan jirey Dmitri Mendeleev (1869), ayaa guud ahaan curiyeha waxaa loo qeeybiyaa guruubyo, heerar iyo jufooyin ku salaysan astaamahooda, habka falgalka iyo sida ay qaraabo u yihiin.
Kuwaas waxaa ugu caansan: Birta, Bir La Moodka, Bir Ma Ahe, iyo Neefta.
Birtu waa shey marka la garaaco la qaloocin karo ayadoon kala jabayn, la dhalaalin karo, isla markaana la dhuubi karo ama wax dhuuban laga dhigi karo[11].
91 curiye oo ka mid ah 118da curiye ee jadwalka Diwaanka Curiye waa bir. 27ka kale ayaa u kala baxa neef, bir ma ahe, bir la mood iyo qeybaha kale ee Diwaanka Curiye.
Si ka duwan cilmigaKemisteriga, micnaha ereyga bir waa ku kala duwan yahay qeybaha aqoonta. Tusaale ahaan, aqoonyahana xidigaha ee Cilmi Falagu waxay ereyga bir u isticmaalaan dhamaan curiyayaasha marka laga reebo Haydarojiin (H) iyo Hiliyaamta (He) kuwaas oo ah walxaha ugu badan Xidigaha muuqda ee Koonka.[12]
Dhinaca kale, curiyeyaal badan iyo isku dhisyo badan ayaa noqda bir marka kuleyl badan lagu shido, kuwaas waxaa loo yaqaanaa Sheyada Birta ee ka Samaysmay Bir Ma ahe.
Qeexida waafaqsan (IUPAC)[13] waxay ku sheegtay in transitional metal ay yihiin curiye kimiko kuwaas oo qolofka elektaroonadoodu aanu dhamaystirneyn ama kuwo leh atom qolofka bu'diisu leedahay elektaroono kala dhantaalan[14].
Bir la Mood ( Metaloid) waa curiye kimiko kuwaas oo leh calaamado iyo astaamo u dhexeeya birta iyo bir ma aheha, taas ooy aad u adag tahay in la kala saaro ineey bir tahay iyo ineey bir ma ahe tahay.[19]
In kastoo barashada Kimisteriga ay ku jirto Bir la moodku, ma jiraan nimaad u gaar ah oo lagu qeexi karo curiyeyaashan.
Sida caadiga ah, curiyeha Bir la Moodka ahi wuxuu leeyahay muuqaalka birta oo kale, laakiin waa adke si fudud loo kala jabin karo, halka birta aanan sahal lagu kala jabin karin. Waxaa intaas dheer, curiyaha bir la moodka waa mid kulka iyo korontada si daciif ah u gudbiya ama aanan gudbinin gebi ahaanba.
Bir Ma Ahe (Nonmetal) waa curiye kimiko kuwaas oo leh calaamado iyo astaamo ka duwan kuwa birta.
Sida caadiga ah, curiyaha bir ma ahe waxaa lagu yaqaanaa waa kuwo si fudud u uumi baxa, si fudud loo kala jabin karo, iyo in aanay gudbinin kulka iyo korontada.
Waxa sidoo kale lagu yaqaanaa curiyaha bir ma ahe markuu la falgalo walax kale inuu soo sii daayo awood ion aad u sareeysa, isla markaana ku daro ama la wadaago elektaroono curiyaha kale ama isku dhiska uu la falgalaayo.
In kastoo curiyaha birta shan-jeer laab ka badan yahay curiyaha bir ma ahe, labo ka mid ah bir ma ahe - Haydarojiin iyo Ogsajiinta - ayaa waxay yihiin boqolkiiba sagaal-iyo-sagaashan (99%) Koonka muuqda; iyo hal curiye bir ma ahe ah, waa Ogsajiinta, ayaa waxay tahay in ku dhow 50% samayska qolofka dhulka, badaha iyo cirkadhulka.
Intaas waxaa dheer, jidhkanoolaha dhamaantiis wuxuu ka samaysan yahay bir ma ahe iyo isku dhisyo ka samaysan bir ma ahe.
Hab-dhaqanka neefaha gobta ah waxaa lagu ogaan karaa dersida qaabdhismeedka atomkooda, qolofkooda sare iyo isku dhisyada ay sameeyaan.
Barta dhalaalida iyo kululeynta neefahan waa mid isku dhow taas oo ka hooseysa 10 °C (18°F); taas micnaheedu waa farqi yar oo heerkul ah ayay dareere ku noqon karaan.
Niyoon, Aargoon, Siinoon, iyo Kiribtoon waxaa laga soo dhex saaraa hawadacirka, halka hiliyaamta laga dhex helo neefaha dabiiciga ee shidaalka laga soo saaro.
Haire, Richard G. "Fermium, Mendelevium, Nobelium and Lawrencium". In Morss; Edelstein, Norman M.; Fuger, Jean. (3rd ed.). Springer Science+Business Media. ISBN1-4020-3555-1.Maqan ama ebar |title= (caawin)
Bagnall, K. W. "Recent advances in actinide and lanthanide chemistry". In Fields, PR; Moeller, T. Advances in Chemistry. 71. American Chemical Society. pp.1–12. ISBN0-8412-0072-6. doi:10.1021/ba-1967-0071IUPAC, Compendium of Chemical Terminology, 2nd ed. (the "Gold Book") (1997). Online corrected version: (2006–) "{{{title}}}".Maqan ama ebar |title= (caawin)
Bury, C. R. J. Amer. Chem. Soc. 43 (7): 1602–1609. doi:10.1021/ja01440a023.Maqan ama ebar |title= (caawin)
Maqaalkan waa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawi Wikipedia in aad Wax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.