Diiwaanka Curiye (Ingiriis: Periodic Table) waa miiska shaxda Curiyeyaasha Koonka iyo dhamaan wixii ku dhex jira ka sameeysan yihiin. Waxaa loo habeeyay curiyeyaasha sida u kala badan yihiin tiroda atom, elektaroonada iyo astaamaha fal-gal eey leeyihiin. Diiwaankan wuxuu meel iskugu keenayaa dhamaan macdanta, kimikooyinka, hawoda, biyoha iyo dhamaan walax kasta ood ku aragto dhulka.

Thumb
Shaxda Diwaanka Curiye oo muujineeysa dhamaan 118ka Curiye.

Sida la ogyahay, ilaa hada waxaa jira 118 Curiye, kuwaas oo ku xusan miiska Diwaanka Curiye.

Curiye

Sida caadiga ah, curiye waa walax kimiko oo ka samaysan atom taas oo lagu kala saaro tirada atomic ee bu'diisa ku jirta[1] - tirada borotoono ee bu'da atom. Guud ahaan, waxaa curiyaha loo qeybiyaa sadex nooc: Bir, Bir la Mood iyo Bir Ma Ahe. Tusaale fiican waxaa ah, Ogsajiinta iyo Nitrojiinta (Bir Ma Ahe), Silikoonta iyo Aarsenik (Bir La Mood), iyo Aayronta, Naxaasta, Dahabka iyo Koberta oo ah bir.

Curiyaha kimiko waxaa ugu miisaan fudud Haydarojiinta oo leh tiro atomic 1 iyo tan ku xigta Hiliyaamta oo leh tiro atomic 2. Sidoo kale, labadan curiye waa kuwa ugu badan Koonka; halka Aayron iyo Ogsajiintu ay yihiin labada ugu badan qaab-dhismeedka qolofta dhulka[2]. Inkastoo macdanta iyo isku dhisyada curiyaha qaarkood dadku aqoon u lahaayeen tan iyo 10,000 sano ka hor, inta u badan curiyayaasha waxaa la helay dhamaadkii qarnigii 19aad iyo qarnigii 20aad.

Tirada Atomikga Curiye

Tirada Atomikga ee curiye waxay la mid tahay tirada borotoonis ee ku jirta bu'da curiyahaas, isla markaana waa tan qeexda astaamaha falgalka ee curiyahaas. Tusaale ahaan, dhamaan atomyada Kaarboontu waxay ka kooban yihiin 6 borotoonis (protons) taas oo macnaheedu yahay tirada atomikga ee Kaarboon waa 6. Dhinaca kale, atomyada Kaarboontu waxaa laga yaabaa ineey leeyihiin tiro nuyuutroono (neutron) kala duwan; marka atomka curiye isku mid ah kaas oo leh tiro nuyuutroono kala duwan waxaa lagu magacaabaa isotopeka curiye.

Tirada borotoono ee ku jirta bu'da (nucleus) atomika curiye waxaa lagu ogaan karaa saxarada koronto (electric charge) taas oo ku xidhn tirada elektaroono ee atomkaasi. Sidoo kale, elektaroonadu waxay ku wareegaan bu'da atomka ayagoo sheega astaamaha iyo dhaqanka curiyahaas. Tirada nuyuutroono ee caloosha atomka ku dhex jirta inta badan saamayn kuma laha dhaqanka curiye.

Calaamada astaanta u ah tirada atomika ee atom waa halbeega Z.

Miisaanka & Cufka Atomik

Tirada cufka ee curiye, (calaamada halbeega A), waa tirada Nukliyuusta (nukliyuustu waa tirada borotoonada iyo nuyuutroonada) ee ku dhex jirta bu'da atomik. Isotopeyo kala duwan oo curiye isku mid ah waxaa lagu kala saaraa ama soocaa tirada cufka ee atomka[3], taas oo lagu qoro bidixda astaanta curiye (e.g 276C).

Tusaale fiican waxaan u soo qaadan karnaa curiyaha Magniisiyaam tirada cufkiisu waa 24, marka waxaan u qoraynaa Magniisiyaam-24, taas oo u dhiganta 12 borotoon iyo 12 elektaroon.

Halka tirada cufku ka tahay tirada nuyuutroono iyo elektaroono ee atom, cufka atomikgu waa tirada saxda ah ee cufka isotope gaar ah ee curiye. Calaamada halbeega u ah cufka atomik waa u.

Isotopes

Dhinaca kale, isotope waa atomyo ka tirsan hal curiye kuwaas oo leh tiro borotoono isku mid ah, laakiin tirada nuyuutroonadu kala duwan yihiin. In ka badan 66 ka mid ah 96ka curiye si dabiici ah loo helo, waxay leeyihiin in ka badan hal isotope dagan[4]. Tusaale ahaan, curiyaha Kaarboon wuxuu leeyahay 3 isotope oo kala duwan. Hadaba tirada borotoono ee Kaarboontu waa isku mid, dhamaantood waa 6, laakiin waxay kala leeyihiin 6, 7, iyo 8 nuyuutroon. Maadaama tirada cufka ee kaarboon tahay 12, 13 iyo 14 gebi ahaan waxaa inoo soo bixi sadex isotope oo kala ah kaarbon-12 oo loo qoro 12C, kaarboon-13 13C, iyo kaarboon-14 14C.

Kaarboonta ku jirta nolosha maalin kasta waa iskujir 12C, 13C, iyo 14C.

Guud ahaan, curiyeyaasha inta u badan waxay leeyihiin isotopeyo radioactive ah, kuwaas oo in badani loo helo si dabiici ah, kuwo kalena lagu diyaariyo laabka (laboratory). Isotopeyada radioactive ah waa kuwo aan fadhiyin (unstable isotopes), laakiin haddii isotopeka atom aanu ahayn radioactive waxaa loo yaqaanaa isotope degan (stable isotope). Dhamaan isotopeyada degani waa kuwo dabiici ah.

Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.