Baladiyaam

Thumb
Curiyaha Baladiyaam.

Baladiyaam (ingiriis: Palladium) astaanta (Pd) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay afartan-iyo-lix (46). Curiyaha Baladiyaam waa bir ka tirsan Transitional Metalska ee guruubka 10aad iyo heerka 5aad ee Diwaanka Curiye iyo guruubka d-block.

Curiyahan Baladiyaam waa bir leh midabka naxaasta oo cadaan xiga, taasi oo u helay saynisyahan William Hyde Wollaston sanadkii 1803dii asagoo ugu magac daray sheekooyinkii hore ee Giriiga Pallad.

Baladiyaamta, Balatiniyaamta, Roodhiyaamta, Iridiyaamta, Rutheniyaamta iyo Osmiyaamta waxay ka mid yihiin guuto loo yaqaano guruubka Birta Balatiniyaam ama (Platinum Group Metals) oo loo soo gaabiyo (PGMs). Curiyayaasha guruubkan waxay leeyihiin astaamo iyo hab dhaqan isku dhow, laakiin Baladiyaamtu waa mida ugu hooseysa barta dhalaalinta (melting point) ee curiye.

Isku dhisyada laga sameeyo curiyahan Baladiyaam waxaa loo isticmaalaa in laga sameeyo sheeyo ku jira mashiinka gaadiidka, samayska elektarooniga, qeybo ka mid ah daawooyinka, qalabka dhakhtarka ilkaha iyo waxyaabo kale.

Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.