Dawladii Cabaasiyiinta
From Wikipedia, the free encyclopedia
Khilaafadii Cabaasiyiinta (Af-Carabi الدولة العباسية) Waa magaca looyaqaano Khilaafada islaamka iyo qoyskii labaad
oo kala danbeeyay,waana silsilada xukun ee labaad ee ugu dheer Xukuumadaihii soo maray islaamka.waxaa ka dheeraa Dawlada Cosmaniya cabaasiyiintu waxa ay jabiyeen oo ka adkaadeen Khilaafadii Umawiyiinta,waxa ay dabarjareen oo cidhibtireen dhamaan QoysUmawiyiinta, baaqigii kahadhay khilaafadii umiyiintu waxa uu u yaacay dhanka dhulkii la odhan jiray Andalus halkaas oo ay dawlad ka samysteen.
Khilaafda Cabaasiyiinta الخلافة العباسية
| |||||||||||||||
---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
25 ta Janaayo 750-10 ka febraayo 1258 | |||||||||||||||
Abbasid Caliphate (light and dark green) at its greatest extent, c. 850. Territories in dark green were lost early on. | |||||||||||||||
Xarunta | Baqdaad | ||||||||||||||
Luuqada | Af-Carabi, Af-Faarisi Af-Arman, Af-Kurdi, Af-Barbar, Af-Gariig Af-joorjiya Af-Cibraani Af-Turki [1][2][3] | ||||||||||||||
Diinta | Sunni islaam | ||||||||||||||
Dowladda | Khilaafo | ||||||||||||||
Amiir al-mu'miniin¹ | Hogaamiye | ||||||||||||||
• 750–754 | Abuu cabaas alsafaax | ||||||||||||||
• 786–809 | Haaruun Alrashiid | ||||||||||||||
• 1261–1262 | Mustansir bilaah | ||||||||||||||
• 1242–1258 | Mustacsim bilaah | ||||||||||||||
Taariikh | |||||||||||||||
• Aasaasay | 25 Janawari 750 | ||||||||||||||
• Burburtey | 10 Febraayo 1258 | ||||||||||||||
Area | |||||||||||||||
10,000,000 km2 (3,900,000 sq mi) | |||||||||||||||
Population | |||||||||||||||
• | 50000000 | ||||||||||||||
Currency | Diinaar Cabaasi | ||||||||||||||
| |||||||||||||||
Maanta qeyb ka ah | Afghanistan Aljeeriya Andorra Armeniya Azerbaijan Bahrain China Baxrayn Masar Faransiiska Georgia Gibraltar (Uk) Greece Iiraan Russia Saudi Arabia Spain Suuriya Tajikistan Tunisia Turkey Turkmenistan United Arab Emirates Usbekistan Yaman | ||||||||||||||
¹ Amiir mu’miniin، Khaliif |
dawlada Cabaasiyiintu waxa ay ka aasaasay dad kasoojeeda kii ugu yaraa adeeradii Nabi Muxamed S.C.W. oo ahaa cabaas bin Cabdul mudalib ale raali haka noqdee, markii ay dawladan aasaasayeen waxa ay taakulo kaheleen.shacabkii looyaqaanay furuska.kuwaas oo ay cadaawada ka dhexeeaysay Umawiyiinta, sidoo kale cabaasiyiintu waxa ay adeegsadeen shiicada si ay uga taqalusaan Dawladii Umawiyiinta. Cabaasiyiinta kadib markii ay kacaankoodaas ku guulaysteen waxay dhiseen caasimaddoodii Baqdaad . Ayadoo noqotay magaalo kulansatay cilim iyo aqoonyahano, waxa ay xarun u hayd dawlad cabaasiyiinta ilaa ee tataarka ee ka dumiyaan khilaafda. Mudo 500 sano ee jireen cabaasiyiinta waxaa talada qabtay 37 khaliif oo ugu dambeeyay mustacsim bilaah oo dileen tataarka kadib waxey u guureen masar waxaana khilaafda sii jirtay 1517 markaas oo cusmaaniyiinta la wreegeen khilaafda.