From Wikipedia, the free encyclopedia
Amiirul mu'miniin Abuu cabaas cabdulaahi ina Maxamad ina cali ina cabdulaahi bin cabaas (afka carabiga: أمير المؤمنين أبو العباس عَبْد الله بن محمد بن علي بن عَبْد الله بن العباس القرشي) oo loo yaqaan "alsafaax" yacnii dhiig daadiye, waa khaliifka koowaad ee cabaasiyiinta kadib dhicitaankii umawiyiinta, waxaa loo caleemo saaray khilaafda 132H oo ku beegan 750 miilaadi
Abuu cabaas alsafaax | |||||
---|---|---|---|---|---|
Khaliifka koowaad ee cabaasiyiinta | |||||
Khilaafo | 750-754 | ||||
Ka horeeyay | Cidna | ||||
Ku xigay | Abuu jacfar almansuur | ||||
Dhashay | 1721 xumeema، urdun | ||||
Dhintey | 754 anbaar، ciraaq | ||||
| |||||
Hoyga | Cabaasiyiinta | ||||
Aabo | muxamad bin cali | ||||
Diinta | islaam |
wuxuu ku dhashay xumeema oo ka tirsan maanta urdun 104H ku beegan 721 xiligii umawiyiinta halkaas oo ku barbaaray kuna sugnaa ilaa marwaan ximaar uu ka dilay Ibraahiim al imaam [1] kadib wuxuu u qaxay saga iyo qooskiisa ciraaq gaar ahaan kuufa.
waxay bilaabatay dacawada cabaasiyiinta sanadkii 100H, waxaana idibada u aasay oo mudo maamulaayay muxamad bin cali aabaha abuu cabaas, si qarsoodi ah ayaa dadka loogu yeeraayay inay garab istaagaan cabaasiyiinta, muxamad bin cali wuxuu dhintay 125H waxaana hogaaminta kaga dambeeyay wiilkiis Ibraahiim al imaam, markuu dhintay hishaam bin cabdilmalik 743 waxaa sii xumaatay xaalada dawlada umawiyiinta, cabaasiyiinta oo ka faaideesanaya ayaa labalaabeen dacwada, sanadkii 129H ayuu amray Ibraahiim al imaam in la muujiyo dacwada, abuu Muslim khuraasaani ayuuna u diray mandiqada khuraasaan, waxa uuna faray la dagaalanka umawiyiinta, Abuu Muslim khuraasaani waxa uu gaaray guulo badan meelo badan ayuu qabsaday, laakin waxaa dhacday marwaan ximaar inuu gacanta ku dhigo Ibraahiim al imaam xabsigana dhigo, intaa la xerin Ibraahiim al imaam wuxuu u dardaarmay abuu cabaas alsafaax inuu hor boodo dacwada una raro qoyskiisa ciraaq.
Ibraahiim al imaam xabsiga ayuu ku dhintay 132H, abuu cabaas alsafaax wuxuu u soo guuray kuufa, ciraaq. Kacdoonka cabaasiyiinta wuxuu soo hooyay guulo badan khuraasaan iyo ciraaq ayaa ka baxday gacanta umawiyiinta, sanadkii 132H ku beegan 750 ayaa abuu cabaas alsafaax magaalada kuufa loogu doortay khaliifka cabaasiyiinta ee koowaad
Abuu cabaas wax badan xilka kuma sii raagin, waxa uudhintay sanadkii 754 cudurka furuqa ayuuna u dhintay [2]
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.