Abu Bakr
From Wikipedia, the free encyclopedia
Abuu Bakar Sadiiq (Ingiriis: Abu Bakr; Carabi: أبو بكر الصديق; magaca oo dhamaystiran: Cabdullah bin Abii Quxaafa "عبد الله بن أبي قحافة") Waa Khaliifkii ugu horeeyay Khulafada Raashidiinta iyo saaxiibka Nebi Muxamed hijrada[1], waxaa loo yaqaanaa inuu ahaa saxaabada kan Ugu darajada sareeya iyo guud ahaan dadka marka laga yimaado Nabiyaasha (N.NK.H).
Khalifkii 1aadee Islaamka Abuu Bakar Khulafada Raashidiinta | |
---|---|
Ku dhashay | Cabdullaahi bin Abii Quxaafa Makka, Jaziirada Carabta (Hada Sacuudi Carabiya) |
Dhimasho | 22 Jumada al-aakhir 13H/ 23 Agoosto 634 |
Ku aasan | Madiina, Jaziirada Carabta |
Naanees | 'Al-Sidiiq', 'Al-Catiiq', 'Al-Saaxib' |
Diinta | Islaam |
Xaasaska | Umu Rumaan, Asmaa bin Abii Cumeys, Xabiiba binti Khaarija |
Abuu Bakar waxa uu ku dhashay Makka 2 sano ka dib Sandkii Maroodiga, Qoyskiisa ayaa ahaa kuwo ladan, markii uu soo weynaaday wuxuu galay ganacsi, asiga oo badeecadaha isaga kala gooshin jiray deegaanada Carabta iyo dhulka Shaam, Abuu Bakar ayaa ka helay waaya-aragnimo badan iyo Dhaqaale fiican, midaas oo u sii dheereed dabeecad wanaagiisa dadka soo jiita waxay u horseeday inuu ka mid noqdo Jaahiligii madaxda Qureysh ee laga dambeeyay [2], Islaamka markuu soo if baxay Abuu Bakar wuxuu noqday qofkii ugu horeeyay ee raga ka mid ah oo islaama, marnaba kama uusan laba labeen qaadshada islaamka, waxaana sidaas loogu bixiyay (Al-Siddiiq) [3].
Xiriirka saaxiibtinimo ee Nabiga scw iyo Abuu Bakar wuxuu jiray tan iyo jaahiliyada, Islaamka ka dib Abuu Bakar waxa uu ahaa Nabiga scw gacantiisa midig, Wuxuu hiil iyo garab la taagnaa Dacwada, faafinteyda ayuuna ku dadaali jiray, sidoo kale wuxuu ku bixin jiray hantidiisa sii daynta muslimiinta dhiban ee la haysto, xiriirkooda Wuxuu sii xoogeesatay Markii uu Nabiga scw guursaday Caa’isha oo ahayd inantii Abuu Bakar [4], Goortii Nabigu scw u hijroonayay magaalada Madina Abuu Bakar wuxuu ahaa qofka kaliya ee Rasuulka scw la galay safarkaasi.
Intii Nebi Muxamed scw noolaa Abu Bakar sadiiq wuxuu ahaa saaxiibkiis iyo la-taliyahiis kowaad asagoo kala qeyb galay dhamaan dagaalada ooy ka mid yihiin Dagaalkii Beder, Dagaalkii Uxud, Dagaalkii Dhufeysyada,[5] Qabsashadii magaalada Makka, Dagaalkii Kheybar, Dagaalkii Xunayn, Go'doomintii Daa'if iyo Dagaalkii Tabuk[6]. Xanuunkii uu Nabiga scw ku dhintay wuxuu faray Abuu Bakar dadka inuu tujiyo,
Wuxuu dhintay Nebi Muxamed maalin isniin ah 12ka Mowliid 11H, Saxaabada ayaana si loo wada dhan yahay ugu doorteen Abuu Bakar hogaanka iyo maamulka dowladii Islaamka. Wakhtigaasi waxaa dhacay khilaaf aad u wayn oo qabiilo badan ayaa dib uga noqdeyn diinta Islaamka maadaama nabigii waxyigu ku soo dagayay geeriyooday, Abuu Bakar ayaa ku qaaday Dagaaladii Ridada ilaa markii dambe uu kusoo celiyay maamulka islaamka, Dagaaladaas ka dib wuxuu Abuu Bakar ciidanka muslimiinta u dhaqaajiyay furashada Shaam iyo Ciraaq.
Wuxuu dhintay Abuu Bakar maalin isniin ah 22 ka Jumaada aakhir sanadkii 13H, waxa uuna jiray 63 sano, khilaafada waxa uu haayay 2 sano iyo 3 bilood oo gudaheed ku xaqiijiyay wax badan, waxaana xilka uga dambeeyay Cumar bin Khadaab.