Cumar (saxaaba)
From Wikipedia, the free encyclopedia
Amiir Al-Mu'miniin Cumar bin Khadaab (ingiriis: 'Umar; Carabi: ; ﻋﻤﺮ ﺑﻦ ﺍﻟﺨﻄﺎب) waxaa kaloo loo yaqiin "Cumar Al-Faaruuq". Waa khaliifka labaad ee ka tirsanaa khulafada Raashidiin, waana khaliifkii ugu horeeyay ee loogu waco "Amiiru mu'miniin" wuxuu ka mid ahaa saxaabadii Nebi Muxamed ﷺ kuwii ugu waaweynaa ee ku leh ixtiraamka blushada muslimiinta dhexdood waana mid ka mid ah tobankii Saxaabi ee loogu bishaareeyay janada iyaga oo ifka jooga.
Cumar | |
---|---|
Rashidun Caliph Umar ibn Al-Khattāb - عُمر بن الخطّاب ثاني الخلفاء الراشدين | |
Boqortooyada Islaamka wakhtigii Cumar | |
Hogaamihii la hubey (Amiir al-Mu'miniin) | |
Magaca | Cumar bin al-Khattab (Af Carabi : ar) |
Wakhtiga Hogaaminta | 23 Ogusto 634 C.D – 03 Nofember 644 C.D |
Wakhtiga dhalashada | 579 C.D (45 Hijrada ka hor) |
Meesha ku dhashay | Mekka, Carabiya |
Wakhtiga uu dhintey | 03 Nofember 644 CD (26 Dulhijjah 23 Hijrada ka dib) |
Meesha uu ku dhintey | Medina, Carabiya |
Meesha lagu aasay | Al-Masjid al-Nabawi, Medina |
Ka horeeyay maamulka | Abu Bakr |
Ku xigay hogaanka | Cismaan binu Cafaan |
Aabe | Khadaab bin Nufayl |
Hooyo | Xantama binti Hishaam |
Walaalo (Aboowe) | Zayd bin Khadaab |
Walaalo (abaayo) | Faaduma binti Khadaab |
Xaasas | • Zaynab bint Madcuun • Qurayba binti Abii Umayya al-Makhzumi • Umm Xakiim binti Xarith ibn Hisham • Umm Kulthum binti Cali • Atikah bint Zayd ibn Amr ibn Nufayl • Luhyah • Fukayhah |
Wiilasha uu dhalay | • Cabdulaahi bin cumar • 'Cabdi Raxman ibn 'Umar • 'Cubeydilaahi bin 'Cumar • Zayd ibn 'Umar • Caasim ibn Cumar • Ciyaad ibn 'Cumar • 'Abd ar-Rahman ibn 'Umar • Az-Zubayr ibn Bakkar (Abu Shahmah) |
Gabdhaha uu dhalay | • Xafsa binti Cumar • Faaduma binti 'Cumar • Zaynab bint 'Cumar |
Tafiirta | Faaruuq |
Magacyada kale | Al-Faaruuq ("Kala saarihii runta iyo beenta") Amiir al-Mu'miniin ("Hogaamiyihii dadka iimaanka qaba") |
Wuxuu ku dhashay 586 C.D magaalada Makka ee dhulka Carabta, isagoona qabtay khilaafada sanadii 13H kadib geerida Abuu bakar, xiligiisa waxa la jabiyay labadii quwadood ee ugu tunka wayneed dunida ee kal ahaa Boqortooyadii Ruum iyo Boqortooyadii Faaris, waxaana ku soo biiray dawladii islaamka dhulal ay ka mid yihiin Masar Faaris, Ciraaq, Shaam, iyo Khuraasaan, sidoo kale waxaa markii ugu horeesay gacanta muslimiinta soo gashay magaalada barkeysan ee Qudus.
Waxaa Cumar lagu tiriyaa mid ka mid ah shaqsiyaadka iyo hogaamiyaasha ugu saameynta badan taariikhda islaamka, wuxuu si heer sare u maamulay dawladii islaamka, wuxuu u qeybshay dawlada gobolo, magaalooyin cusub sida Basra, Kuufa iyo Fusdaad ayuuna dhisay, wuxuu sameeyay diiwan ay ku qoran yihiin magacyada ciidamada iyo mushaaraadkooda, Baytul Maalka ayuuna aasaasay, sidoo kale sameeya kalandarka islaamiga ee Hijriga ayuu dejiyay. Si kooban Cumar Wuxuu maamuliis ku dhisnaa wada tashi.
Cadaalada Cumar waxey ahayd mid aad u caan baxday waxeyna sintay gaal iyo Muslim, waxaana loogu yeeri jiray "Faaruuq" (kii xaq iyo baadil kala saaray)