saxaabi jaliil ah kana mid ah asxabta janada looga bishaareey. From Wikipedia, the free encyclopedia
Cusmaan binu Caffan (Af Ingiriis : ʻUthmān ibn ʻAffān; Af Carabi : ar) dhashay 577 C.D magaalada Daa'if ee dhulka Carabta, isla markaana dhintey 20 June 656 C.D (18kii Dulhijjah 35 Hijrada ka dib), wuxuu ahaa saaxiibka sadexaad ee Nebi Muxamed, hogaamiyihii afaraad ee Dawladda Islaamka, asxaabi ka mid ah Kulafo Raashidiinta iyo mid ka mid ah asxaabta rasuulka.[1][2][3]
Khulafo Raashidiin |
Wakhtiga Hogaanka: 8 Juune 632 – 23 Ogosto 634 (27 bilood) Wakhtiga Hogaanka: 23 Ogosto 634 C.D – 03 Nofember 644 C.D Wakhtiga Hogaanka: 644 C.D ilaa 656 C.D Wakhtiga Hogaanka: 656 C.D ilaa 661 C.D |
Dhamaan Khulafada
Khulafo Raashidiin (632-661) Khulafadii Umawiyiinta (661-750) Khulafadii Cabaasiyiinta (750-1258) Khulafadii Cusmaaniyiinta (1517-1924) |
Cusmaan binu Caffan wuxuu ka dhashay qabiilka Ummayad ee reer Makka kuwaasi oo ahaa reer awood badan oo ka tirsan beel-weynta Quraysh. Cusmaan wuxuu ahaa hogaamiye ka mid ah khulafo al-Raashidiinta kaasi oo talada iyo hogaanka maamulka Dawladda Islaamka la wareegay asagoo ah 65 jir, ka dib markii uu Cumar bin Khattab dhintey.[4]
Wakhtigii uu hogaanka maamulka Dawladda Islaamka hayay Cusmaan wuxuu gaadhsiiyay heer aad u sareeysa isla markaana uu qabsaday dhul aad u badan ooy ka mid yihiin boqortooyadii Beershiya (dhulka maanta loo yaqaano Iiraan), meelo ka mid ah Khorasan (deegaanada maanta lagu magacaabo wadanka Afghanistan) iyo meelo badan oo ka mid ah bariga Yurub.[5]
Intii nebigu noolaa, Cusmaan bin Caffan wuxuu ahaa saaxiibka iyo la-taliyaha sadexaad ee Nebi Muxamed asagoo kala qeyb galay arimo aad u badan. Wuxuuna ka garab dagaalamay Nebi Muxamed qaswado aad u badan ooy ka mid yihiin Dagaalkii Beder, Dagaalkii Uxud, Dagaalkii Dhufeysyada,[6] qabsashaddii magaalada Makka, Dagaalkii Kheybar, Dagaalkii Xunayn, go'doomintii Daa'if iyo Dagaalkii Tabuk.[7] Dagaaladani wuxuu Abu Bakr ku kharash gareeyay in badan oo dhaqaalihiisa ka mid ah.
Si kastaba ha ahaatee, goortii Nebi Muxamed geeriyooday waxaa khulafo Raashidiintu si waafaqsan dardaarankii nebiga isla garteen in Abu Bakr lagu wareejiyo hogaanka iyo talada maamulka dowladii Islaamka. Wakhtigani waxaa dhacday khilaaf aad u wayn oo dad badan ayaa diinta Islaamka dib uga noqdey maadaama nebigii waxyigu ku soo dagayay geeriyooday. KACAANKI LAGU BILAABAY CUSMAN... Sanadkii 30aad iyo kii 31aad waxaa ka soo baxay Yeman nin la oran jiray C/llahi ina Saba’, Al-yahuudi hooyadii waxay ahayd islaan madoow, sidaa darteed waxaa lagu naanaysi jiray ina habar madoobe, wuxuuna ahaa yuhuudi muddo dheer ku noolaa Yeman. Yeman waxay Islaamka ka hor hoos tagi jirtay boqortooyadii Beershiya (Faaris), sidaa darteed C/llaahi ina Saba’ wuxuu wax badan ka bartay qabkii (caqiidadii) dab caabudka (Al-majuusiyah), C/llaahi wuxuu u weel qaaday siduu u oofwareemi lahaa Islaamka iyo Muslimiinta, wuxuu bilaabay in uu isu diyaariyo sidii uu u fulin lahaa hawshaas baaxadda leh. C/llaahi wuxuu bilaabay in uu Islaamnimo muujisto bilawgii hoggaankii (Khalaafadii) Cusmaan ina Cafaan A.K.R.N, sidoo kale wuxuu bilaabay in uu safarro ku maro dhul badan oo ka mid ah dunida muslika, wuxuu bilaabay in uu faafiyo suntii uu ku bur burin lahaa muslimiinta, ugu horrayn wuxuu tagay Xijaas laakiin wuu ku hungoobay hankiisii ahaa in uu u saldhigo fikradihii sumaysnaa ee uu watay. C/llaahi ina Saba’ wuxuu u sii gudbay Ciraaq halkaas oo uu u arkay inay tahay meel u nugul fitnada iyo qallooca, gaar ahaan magaalada Basra halkaas oo uu kula kulmay nin la oran jiray Xakiim ina Jabalah, kaas oo ahaa muslim tuug ah oo ku duula soona dhaca dadka Ahlu-kitaabka ah eek u hoos noolaa dawladda muslimka ah (Dimiyiinta), isla markaa wuxuu ahaa Xakiim ina Jablah nin akhlaaq xun taas oo sababtay in Khaliifkii muslimiinta Cusmaan ina Cafaan A.K.R.N in uu ku xabbiso magaalada Basra gudeheeda oo aan lo ogolaan dhaqdhaqaaq ka baxsan Basra. C/llaahi ina Saba’ wuxuu bilaabay in uu ku afuufo qabkiisii sumaysnaa ninkaan aafaysan waa ina Jabalah e, taas oo ka soo jeedday Yahuudiyadda iyo Majuusiyadda, taas oo dhashay caqiidada Shiicada, sidaa darted Shiicadu waxay u qaybsameen qaar wada qaatay fikradaha C/llaahi ina Saba’ waana qolada loo yaqaan (Al-sabaiyah), Qaar wax badan ka qaatay iyo qaar yaraystay waxa ay ka qaateen.C/llaahi ina Saba’ waxaa raacay Xakiim ina Jabalah, sidoo kale waxaa raacay qayb ka mid ah tolkii Xakiim ina Jabalah iyo waliba qaar ka mid ah saaxiibbadii, arimahaas oo dhami waxay ku socdaan qarsoodi oo marnaba kuma uu dhici karin in uu bannaanka soo dhigo.Intaa kaddib wuxuu u sii gudbay Kuufah, taas oo ahayd meel fitnada iyo kacdoonnada qaayibtay, C/llaahi ina Saba’ wuxuu halkaas ka helay rag fara badan oo ay ka mid ahaayeen Al-ashtar al-nakhaci, waxaa aad u yaab badan ninkaan wuxuu ahaa halgamaa (Mujaahid) ka qayb galay dagaalkii Yarmuuk iyo dagaallo kale oo ka dambeeyay, waxaana taariikhyahanada qaar ay sheegaan in uu ku waayay dagaalkii yarmuuk labadiisa indhood mid, sidoo kale waxay taariikhyahanadu sheegeen in Al-shtar uu ugu biiray kooxdii sumaysnayd ee uu hormuudka ka ahaa C/llaahi ina Saba’ jaahilnimo ama adduun iyo kursi jacay mid uun, ogowna wali hawshu waxay ku socotaa si qarsoon oo mugdi dhexdiis ah.Al-ashtar Al-nakhaci wuxuu ahaa nin haybad ku dhex leh xigatdiisii, sidaa darteed wuxuu bilaabay in uu tolkii u sharxo qalloocii uu ka soo alifaystay shiikhiisii yuhuudiga ahaa, waxaa xusid mudan in Al-ashtar ay taariikhyahanadu ku sheegeen in uu ahaa nin ad adag oo ku xadgudba waxa uu diin u arko, wuxuu kaloo ahaa nin aad ugu xeeldheeraada waxa uu khalad u arko isla markaasna aad u buunbuuniya ilaa uu dardhaafo, waxaa kale oo lagu sheegay kursi jacayl taas oo uu is yiri halkaan ayaa ugu dhow in aad gaartid himaladaada.C/llaahi ina Saba’ wuxuu u sii baqoolay xagga Masar, halkaas oo uu ogaaday in ayaduna ay tahay munaasib in laga hirgaliyo habowgii uu isu taagay hirgalintiisa, waliba wuxuu ku beegmay xilli saxaabadii A.K.R.N ay ku maqnaayeen Jihaad iyo futuuxaad is daba joog ahaa xilligaas, gaar ahaan waxay ku maqnaayeen Liibiya iyo Soodaan, C/llaahi wuxuu ku nagaaday Masar asagoo ka unkay koox yar ilaa uu u dhaqaaqay fulintii fitnada.
Fikradihii tuuraha lahaa ee in Saba’ waxaa ugu muhiimsanaa kuwa soo socda.
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.