Dagaalkii Beder
From Wikipedia, the free encyclopedia
Dagaalkii Beder (ingiriis: the Battle of Bedr; carabi: ﻏﺰﻭﺓ ﺑﺪﺭ; "Ġazwat ‘Bedr") waa dagaal dhacay Sabti, Maarso 13keedii, sanadkii 624 C.D (C.D = Ciise Dabadii) oo ku beegan 17da Ramadaan sanadkii 2aad ee Hijrada, dagaalkaasi ayaa ka dhacay meelo ka mid ah deegaanka Xijaas (ee maanta ah dalka Sacuudi Carabiya). wuxuuna dhex maray ciidanka Muslimiinta oo xaruntooda ahayd magaalada Madiina kuwaas oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed (N.N.K.H) iyo xoogag ciidan ka soo duulay magaalada Makka oo ay hogaaminayeen madaxdii Qureysheed ee ka soo horjeeday diinta Islaamka [1].
Dagaaladii Islaamka ﻏﺰﻭﺓ |
Qaswooyinkii Ugu Horeeyay |
Dagaalkii Beder (ﻏﺰﻭﺓ ﺑﺪﺭ) |
Bedertii Labaad |
Dagaalkii Uxud (ﻏﺰﻭﺓ ﺃﺣﺪ) |
Dagaalkii Dhufeysyada (ﻏﺰﻭﺓ ﺍﻟﺨﻨﺪﻕ) |
Dagaalkii Isbaaheysiga (ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ) |
Dagaalkii Kheybar |
Dagaalkii Xunayn |
Dagaalkii Tabuk |
Dagaalkii Beder wuxuu ahaa dagaalkii kowaad ee si fool-ka-fool ah uga dhex dhaca kufaartii reer Makka iyo muslimiinta u soo qaxdey isla markaana degan magaalada Madiina.
Taariikhda miilaadiga markey ahayd Maarso 13keedii, sanadkii 624 C.D ayaa guuto ciidamo si fiican u hubeeysani ka soo baxeen magaalada Makka si eey u soo asxaabta raacdey Nebi Muxamed.[2] Ciidamada reer Makka si fiican ayay u qalabeesnaayeen waxayna wateen sahay iyo agab aad u wanaagsan, qorshohooduna wuxuu ahaa ineey dhoola-tus milatari u muujiyaan dhamaan qabiilada Carabta eey uga baqayeen ineey qaataan diinta Islaamka ee ayagu ka soo horjeedeen.
Si kastaba ha ahaatee, tiro yar oo dagaalyahano muslimiin ah kuwaas oo lagu sheego 250 ilaa 300 oo nin ayaa waxay deegaanka Beder dagaal adag kula galeen kun iyo ka badan nin oo dagaalyahano reer Makko ah kuwaasi oo guuldaro iyo shalaayto kala tagay goobtii lagu dagaalamayay.[3]
Dagaalkan Beder jab lama filaan iyo lama ilaawaan ku noqday ayaa ka raacay ciidamadii reer Quraysheed ee ku soo duuley si eey u tirtiraan diinta Islaamka.[4]
Isku soo wada duuboo, tiro yar oo muslimiin ah ayaa ku dhimatey dagaalkaasi Beder, gaaladii soo duusheyna rag badan oo madax iyo hogaamiyayaal leh ayaa kaga dhintey. Dagaalkani wuxuu noqdey midka horseeday in mar labaad muslimiinta iyo ciidamada reer Makka dagaal iskugu soo noqdaan, kaasi oo ah Dagaalkii Uxud ee muslimiin badan lagu diley, isla markaana Nebi Muxamed ﷺ laftiisa dhaawacyo aad u halis badan ayaa soo gaadhay, ugu dambeyntii guushu waxay raacdey reer Makka