Dagaalkii Dhufeysyada
From Wikipedia, the free encyclopedia
Dagaalkii Dhufaysayda (ingiriis: the Battle of Trench; carabi: غزوة الخندق; "Ghazwah al-Khandaq") sidoo kale loo yaqaano Dagaalkii Isbaaheysiga (ingiriis: Battle of the Confederates; carabi: ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ; loogu dhawaaqo: Ghazwah al-Ahzab) wuxuu ahaa go'doomin aad u dheer ee magaalada Yatrib (ee hada loo yaqaano Madiina) taasi ooy masuul ka ahaayeen isbaaheysi qabiilo badan oo Carab iyo Yuhuud iskugu jira. Awooda iyo xooga ciidamada, askarta iyo milatariga isbaaheysigu wuxuu ahaa 10,000 oo nin, lix boqol oo faras iyo dhowr boqol oo geel ah; halka tirada awooda ciidamada Islaamka ee reer Madiina ay ahaayeen 3,000 oo nin. Dagaalku wuxuu bilaabmey Maarso 31keedii, sanadkii 627 C.D (C.D = Ciise Dabadii) oo u dhiganta 5tii Dul-Qacdah sanadkii 5aad ee Hijrada[1]
Dagaaladii Islaamka ﻏﺰﻭﺓ |
Qaswooyinkii Ugu Horeeyay |
Dagaalkii Beder (ﻏﺰﻭﺓ ﺑﺪﺭ) |
Bedertii Labaad |
Dagaalkii Uxud (ﻏﺰﻭﺓ ﺃﺣﺪ) |
Dagaalkii Dhufeysyada (ﻏﺰﻭﺓ ﺍﻟﺨﻨﺪﻕ) |
Dagaalkii Isbaaheysiga (ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ) |
Dagaalkii Kheybar |
Dagaalkii Xunayn |
Dagaalkii Tabuk |
Difaacayaashii Islaamka reer Madiina oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed ﷺ, waxay ahaayeen kuwo laga tiro iyo tayo badan yahay, sidaasi darteed waxay go'aansadeen ineey qodaan dhufeys dheer oo ku wareegsan magaalada ayagoo ka faa'iideysanaya deyrkii iyo gidaarkii ku wareegsanaa magaalada Madiina.[2]
Xirfada ay isticmaaleen ciidamo Islaamiyiinta ahi waxay bedbaadisay in isbaaheysiga soo duulay ay qabsadaan isla markaana soo galaan magaalada xarunta u ahayd Islaamka wakhtigaasi ee Madiina.[3] Sidoo kale, fikradii ahayd in lagu baabi'iyo diinta Islaamka ee uu hogaaminayay Nebi Muxamed ﷺ (n.n.k.h) way fashilantey, in badan oo gaalada ahna waa la diley. Si kastaba ha ahaatee, guusha dagaalkani wuxuu horseeday in muslimiintu helaan dhiiranaan iyo kalsooni aad u balaadhan isla markaana wakhti yar ka dib qabsadaan deegaano badan iyo magaalada Makka laf ahaanteed.[4][5][6]