![cover image](https://wikiwandv2-19431.kxcdn.com/_next/image?url=https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/7/71/Peacock_mite%252C_Tuckerella_sp.jpg/640px-Peacock_mite%252C_Tuckerella_sp.jpg&w=640&q=50)
Takfi
From Wikipedia, the free encyclopedia
Takfi, Tagfi, Boodo (Af Ingiriis : Mites) waa cayayaan yaryar midabo badan oo kala duwan leh, meelaha qaar ku nool carada, dhirta iyo xayawaanka taasi oo qaniinta noolaha ay saaran tahay si ay uga hesho dhiig ay ku noolaato. Cilmiga u khaaska ah ee barashada takfida iyo boodada waxaa afka qalaad lagu yidhaahdaa acarology. Marka la fiiriyo noolaha ku dhaqan carada dhexdeeda, takfidu waxay ka mid tahay kuwa quuta noolaha kale oo kali ah, taasi oo u baahan dheecaan noole organik ah si ay u si noolaato.[1]
Takfi | |
---|---|
![]() | |
Muuqaalka nooc ka mid ah takfiga (Tuckerella sp.), oo lagu sawirey weyneyso. la weyneyay 260× | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Xayawaan |
Faylam: | Arthropoda |
Subfaylamka: | jelicerata |
Gacalka: | Arachnida |
Subgacalka: | Acari William Elford Leach, 1817 |
Superorders | |
|
![Thumb image](http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/3/3d/Yellow_mite_%28Tydeidae%29_Lorryia_formosa_2_edit.jpg/640px-Yellow_mite_%28Tydeidae%29_Lorryia_formosa_2_edit.jpg)
Takfidu waxay leedahay lix lugood oo gaagaaban, kuwaasi ooy u isticmaasho booditaanka. Gobolada koonfurta Soomaaliya waxaa looga yaqaanaa boodo.
Guud ahaan takfida iyo noocyo badan oo kale waxa loo yaqaanaa "dulin" (parasite) sababtoo ah waxay ku dul nool yihiin noole kale, isla markaana ay cunto ka sameeystaan noolaha ay ku dul dhaqan yihiin. Takfidu waxay qaraabo dhow la tahay shillinta.