Takfi, Tagfi, Boodo (Af Ingiriis : Mites) waa cayayaan yaryar midabo badan oo kala duwan leh, meelaha qaar ku nool carada, dhirta iyo xayawaanka taasi oo qaniinta noolaha ay saaran tahay si ay uga hesho dhiig ay ku noolaato. Cilmiga u khaaska ah ee barashada takfida iyo boodada waxaa afka qalaad lagu yidhaahdaa acarology. Marka la fiiriyo noolaha ku dhaqan carada dhexdeeda, takfidu waxay ka mid tahay kuwa quuta noolaha kale oo kali ah, taasi oo u baahan dheecaan noole organik ah si ay u si noolaato.[1]

Kani waa maqaal ku saabsan takfida. Boga "boodo" iyo "tagfi" halkan ayaa laga soo toosiyay
Quick Facts Kala soocida cilmiga ah, Superorders ...
Takfi
Thumb
Muuqaalka nooc ka mid ah takfiga (Tuckerella sp.),
oo lagu sawirey weyneyso.
la weyneyay 260×
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Xayawaan
Faylam: Arthropoda
Subfaylamka: jelicerata
Gacalka: Arachnida
Subgacalka: Acari
William Elford Leach, 1817
Superorders
  • Acariformes
  • Parasitiformes
Close
Thumb
Sawir takfida oo lagu qaaday weynayso

Takfidu waxay leedahay lix lugood oo gaagaaban, kuwaasi ooy u isticmaasho booditaanka. Gobolada koonfurta Soomaaliya waxaa looga yaqaanaa boodo.

Guud ahaan takfida iyo noocyo badan oo kale waxa loo yaqaanaa "dulin" (parasite) sababtoo ah waxay ku dul nool yihiin noole kale, isla markaana ay cunto ka sameeystaan noolaha ay ku dul dhaqan yihiin. Takfidu waxay qaraabo dhow la tahay shillinta.


Noocyada


Boodadu waxay ka mid tahay cayaanka ku nool meelo badan oo kala duwan, sababtoo ah xajmigooda yar, quudashada dheecaanka iyo dhiiga noole kale iyo qaabdhismeedka jidhkeeda. Sidoo kale, takfidu waxay ku noolaan kartaa deegaano cimilo iyo kheyraad duwan, sida biyaha korkooda, geedaha iyo xayawaanka. Inta ugu badan takfida la yaqaano waxay ka tirsan tahay dulinka, cayaaan ku dul nool noole kale. Waxaa lagu cabirey ineey aduunyada ku nool yihiin ilaa 48,000 nooc oo takfi ah, kuwaasi oo ku kala duwan qaab dhismeedka, midabka, qarada ama xajmiga, quudashada iyo guud ahaan astaamaha.[2]

Muuqaal

Qoraalo Kale

Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.