![cover image](https://wikiwandv2-19431.kxcdn.com/_next/image?url=https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/e/e6/Bleeding_finger.jpg/640px-Bleeding_finger.jpg&w=640&q=50)
Dhiig
From Wikipedia, the free encyclopedia
Dhiig waa dareere gaar ah oo laga helo jirka xayawaanka kaas oo qaada waxyaalaha lagama maarmaanka u ah nolosha unugyada xayawaanka sida neefta oksijiinka iyo nafaqada asagoo misana kasoo qaadaya waxyaalaha wasaqda ah si dibedda looga saaro jirka noolaha. Waxa uuna qaata 7% ee miisaanka jirka xayawaanka.
![Thumb image](http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/e/e6/Bleeding_finger.jpg/640px-Bleeding_finger.jpg)
![Thumb image](http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/7/74/Grafik_blutkreislauf.jpg/640px-Grafik_blutkreislauf.jpg)
Dhiigga Waxa uu ka kooban yahay unugyada Gaduudan ama cascas, unugyada Cad, platelets ka iyo plasma, waxa uuna muhiim u yahay dhammaan noolaha sida bini'aadamka iyo xayawaanka, waxaa kaloo uu qabtaa shaqo muhiim ah sida, In uu qaado cunnada iyo neefta oksijiin iyo in uu ka saaro jirka wasaqda karboonka iyo hormoonada , waxa uu difaac siiya jirka , sido kale waxa uu sameeyaa xinjirayn marka dhiigbax yimaado si uu u joojiyo dhiigga baxaya.