From Wikipedia, the free encyclopedia
Xayawaan (Af Ingiriis : animal; Af Carabi : ar) waa noole ka mid ah noocyada noolaha. erayga "xayawaan" wuxuu ka yimid Af Carbeedka, dhiggiisa Af soomaaligana waa "bahal". Bahalladu wey kala duwanyihiin. Qaarkood waxay ku noolyihiin dhulka dushiisa, qaarna waxay ku noolyihiin badaha iyo wabiyada. Jaad ka mid ah bahallada waxay awoodaan in ay ku noolaadaan bad iyo berriba, sida raxa (halkani bad waxaan ula jeednaa biyaha).
Xayawaan | |
---|---|
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Animalia |
Fyla | |
| |
Eray la mid ah | |
|
Waxaa kaloo jira bahallo ku nool jirka aadanaha dushiisa inkastoo aysan isha qabanin. Bahallahan badankood waxay ku noolyihiin unugyada dhintay ee maqaarka.
Sideedaba, Soomaalida bahal waxay u taqaanaa wax kaste oo aan Aadane ahayn, balse ogoow Aadanahu waa bahal, waxa kaliya oo ka duwa bahallada kale waa garaadka.
Marka la abla-ablaynayo bahallada, waxaase ugu horeyn loo kala qeybiyaa laba jaad: Beri-joog (Dhul-joog) iyo Bad-joog. Waxaa lagu qiyaasaa in noocyada xayawaanka intiisa badani ku nooshahay badaha iyo wabiyada dunidan.
Marka la sii kala saarayo qeybaha xayawaanka waxaa loo qeeybiyaa shan qeybood:
Boqortooyo (biyoloji) (magaca Saynis regnum, wadar ahaan regna) waa heerka labaad ee loo kala saaro noocyada noolaha. Boqortooyadani waxaa loo sii kala jebiyaa kooxo yar-yar oo Saynis ahaan loo yaqaano Fyla (Phyla). In kastoo kala qeybinta kooxaha boqortooyada ee biyoloji lagu kala duwan yahay, wadanka Maraykanka iyo Kanada waxay qeybahaasi ka dhigaan ilaa lix kooxood (Xayawaan, Dhir, Fungi, Brotista, Arjaeya, Bakteriya); halka wadanada ay ka mid yihiin Ingiriiska, Hindiya, Australia, Latin Amerika, meelo badan oo Afrika ah iyo wadano kale waxay aqoonsadeen kaliya shan koox oo ka tirsan boqortooyada, kuwaasi oo kala ah: Xayawaanka, Dhirta, Fungiga, Brotistaha iyo Bakteriyada.[1]
|
| ||||||||||||||||||
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.