From Wikipedia, the free encyclopedia
Filadelfiya, Philadelphia ( / ləˈdɛlfiə/ ) waa caasimada ugu weyn ee gobolka Pennsylvania, Maraykanka, iyo magaalada 5aad ee ugu bulshada badan leh wadnkaasi. Gobolada Waqooyibari ee Maraykanka, gaar ahaan deegaanda u dhexeeya Webiga Delaware iyo Webiga Shuylkill, caasimada Filadefiya waa hogaanka koowaad ee dhaqaalaha iyo dhaqanka deegaanadaasi. Tiro koob dowladu samaysay sanadikii 2014ka ayaa lagu ogaaday in caasimada Filadelfiya leedahay shacab dhan 1,560,297 taasi oo ka dhigeysa mid ka mid ah caasimadaha ugu shacabka badan wadanka Maraykanka.[2][5][6][7][8][9][10]
Philadelphia, Pennsylvania | |
---|---|
Caasimada Filadelfiya | |
Kor ilaa bidix, dhismayaasha dhaadheer ee Filadelfiya, Sanabka Benjamin Franklin, Jalaska Liberty, xarunta Farshaxanka Filadelfiya, Haalka Caasimada Fiilaadelfiya, iyo Haalka Xoriyada | |
Nickname(s): "Filly", "Caasimada Jacaylka Walaalka", in badan... | |
Motto(s): "Philadelphia maneto" ("Haku gaadho Jacaylka Walaaltinimo") | |
Wadanka | United States of America |
Gobolka | Pennsylvania |
Degmo | Degmada Filadelfiya
|
Taariikhda Gumeysiga | Boqortooyada Ingiriiska Gobolka Bensyfaniya |
La helay | October 27, 1682 |
Dowlad Hoose | October 25, 1701 |
Founded by | William Penn |
Dowlada | |
• Nuuca | Golaha Duqa-Magaalada |
• Body | Golaha Dowlada Filadelfiya |
• Duqa-magaalada | Michael Nutter (Xisbiga Dimuqraadiga) |
Area | 141.6 sq mi (367 km2) |
• Land | 134.1[1] sq mi (347.3 km2) |
• Water | 7.5 sq mi (19.4 km2) |
• Urban | 1,799.5 sq mi (4,660.5 km2) |
• Metro | 4,629 sq mi (11,988.6 km2) |
Joogga | 39 ft (12 m) |
Tirada dadka | |
• Caasimad iyo Degmo | 1,560,297 |
• Rank | US: 5aad |
• Cufnaanta dadka | 11,635.3/sq mi (4,492.4/km2) |
• Metro | 6,051,170 (US: 6aad) |
• CSA | 7,164,790 (US: 8aad) |
• Bulsho | Philadelphian |
Aag saacadeed | UTC-5 (EST) |
• Xagaa (DST) | UTC-4 (EDT) |
ZIP code | 191xx |
Furaha | Area kodh 215, 267 |
FIPS kodh | 42101 (Degmo) [3] |
Astaanta GNIS | 1215531[4] |
Website | www.phila.gov |
Sanadkii 1682 ayaa nin la odhan jirey William Penn aasaasay caasiamad gobolka Bensykfaniya, taasi oo wakhtigaasi ahayd meel uu maamulo nidaamkii Boqortooyada Ingiriiska.[11] Si kastaba aha ahaatee, caasimada Filadelfiya waxay qeyb libaax ka soo qaadatey "Kacaankii Maraykanka", waxayna ahay goobta ay ku kulmi jireen hogaamiyayaashii dhisay wadanka Maraykanka, ayaga oo u saxeexay ku Dhawaaqitaankii Xoriyada iyo Madax-banaanida sanadkii 1776, hadana mar labaad ku saxeeyay qodobada "Dastuurka Wadanka Maraykanka" sanadkii 1787.
Intaasi waxaa dheer, caasimad Filadelfiya waxay ahaan jirtey magaalo-madaxdii ugu horeeysay ee wadanka Maraykanka, mar labaad noqotey magaalo-madax goortii uu socday Dagaalkii Sokeeye ee Maraykanka, iyo goortii dhismaha Caasimada Washington D.C oo Filadelfiya ahayd xarunta dowlada ee kus ii meelgaadhka ah. Horaantii qarnigii 19aad, Filadelfiya waxay noqotey xarun horumar oo leh wershado aad u badan, waxayna yeelatay wadooyin tareen oo ku xidha caasimadaha kale ee wadanka, taasi oo suurtogelisay dhoofinta iyo u iibgeynta alaabo faro badan oo lagu sameyo deegaanda Filadelfiya. Wakhtiyadani waxaa magaalad aad ugu soo qaxay qoxooti shaqo-doon ah oo intooda badan ka yimid bariga Yurub. Sidoo kale, wakhtiyadani waxay caasimada Filadelfiya noqotey xarun u soo guureen Dadka Madoow (African American) ee wadanka Maraykanka, kuwaasi oo doorbidayay fursadaha shaqo, waxbarsho iyo xoriyad ee caasimadu lahayd. Waxaa la sheegay in sanadkii 1950kii tirada Dadka Afrikan Ameerikanka ah ee ku dhaqan Filadelfiya iyo nawaaxigeeda kor u dhaafeysay labo milyan.
Guud ahaan, Caasimada Filadelfiya waa xarunta dhaqaalha iyo dhaqdhaqaaqa ee gobolka Pennsylvania, waana hooyga todobo ka mid ah Shirkadaha Fortune 1000. Dhismayaasha dhaadheer ee badhtamaha iyo nawaaxiga caasiamada ayaa ah kuwo aad u sii badanaya, waxaanay magaaladani leedahay qaar ka mid ah dhismayaasha ugu dhaadheer wadanka Maraykanka iyo dunida.[12] Caasimadani waxay caan ku tahay hidaha iyo dhaqanka, taariikhda, dalxiiska (ayadoo la sheegay iney soo siyaartaan dad ka badan 39 milyan sanadkii 2013ka).[13][14] beerta raaxada iyo dalxiiska Fairmount Park waa deegaanka ugu balaadhan aduunka ee ku dhexyaala magaalo.[15] Sidoo kale waxay caasimadu leedhay 67 meelood oo taariikhi ah, kuwasi oo Filadelfiya ka dhigay meesha koowaad ee ugu dalxiiska badan wadanka Maraykanka gudahisa, isla markaana ka hesha tiro lacag ah oo dhan $10 bilyan dollarka Maraykanka.[13] Philadelphia waa meesha lagu aasaasay ee hooyga u ah Ciidamada Milatariga Bada loo yaqaano United States Marine Corps,[16][17] sidoo kale waa xaruntii ugu horeeysay waxyaabo badan ooy ka mid yihiin librarygii ugu horeeyay (la dhisey 1731),[18] Cusbitaalkii ugu horeeyay (la dhisey 1751)[18] iyo midii ugu horeeysay ee laga furo dugsi caafimaad (sanadkii 1765),[19] magaalo-madaxdii kowaad (laga dhigey 1777),[18] meeshii koowaad ee laga furo Sarifka lacagaha Filadelfiya (1790),[18] iyo tii ugu horeeysay Beerta Xayawaanka (zoo) (1874),[20] iyo dugsigii ganacsiga ee ugu horeeyay wadanka (la furey 1881).[21] 7차 재난지원금 신청
Sida lagu sheegay tirokoob dowlada Maraykanku sameeysay sanadkii 2014ka waxaa caasimada Filadelfiya ku nool bulsho tiradoodu dhan tahay 1,560,297,[2] taasi oo u dhiganta 2.2% kordhitaan marka loo barbardhigo sanadkii 2010. Noocayada bulshada sanadkii 2013ka ku noolaa Filadelfiya waxay kala ahaaheeyn: 45.5% cadan (36.3% ahayn-Hispanic), 44.2% Madoow ama Afrikan Ameerikan, 0.8% dadka u dhashay qaarada ee loo yaqaano Hindida Cas, 6.9% Aasiyan, 0.1% ka soo jeeda gasiirada Hawaii, 2.4% iska dhal, iyo 13.3% Latino ah.[22][23]
Tirokoob Noocyada Bulshada | 2010[24] | 2000 | 1990 | 1980[25] | 1970[25] |
---|---|---|---|---|---|
Cadan (marka lagu daro Cadaan Hispanik ah) | 41.8% | 45.0% | 53.5% | 58.2% | 65.6% |
—Cadaan Ahayn-Hispanic | 36.9% | 42.5% | 52.1% | 57.1% | 63.8[26] |
Madoow ama Afrikan Amerikan | 43.6% | 43.2% | 37.8% | 39.9% | 33.6% |
—Madowg ahayn-Hispanic | 42.2% | 42.6% | 39.3% | 37.5% | 33.3%[26] |
Dadka Asalka Ameerika | 0.5% | 0.3% | 0.2% | 0.1% | 0.1% |
Aasiyaan | 6.3% | 4.5% | 2.7% | 1.1% | 0.3% |
Ka soo jeeda Hawaii ama Gasiiradaha | 0.0% | 0.0% | 0.0% | ||
Noocyo kale | 5.9% | 4.8% | 3.7% | 2.7% | 0.4% |
Dadka iska-dhalka | 2.8% | 2.2% | n/a[27] | n/a[27] | n/a |
Hispanik ama Latino (dhamaantood) | 12.3% | 8.5% | 5.6% | 3.8% | 2.4%[26] |
Magaalooyinka Maraykanka | |
---|---|
Atlanta · Austin · Boston · Baltimore · Bloomington · Kolumbus, Ohio · Chicago · Dallas · Denver · Detroit · Houston · Honolulu · Kansas City · Los Angeles · Las Vegas · Memphis · Miami · Minneapolis · New York · Nashville · Oakland · Omaha · Orlando · Phoenix, Arizona · Portland · Philadelphia · Rochester · San Antonio · Saint Paul · San Diego · Seattle · San Fransisko · Washington D.C |
Gobolada Maraykanka | |
---|---|
Alabama · Alaska · Arizona · Arkansas · Delaware · Florida · Fermont · Firjiniya · Houston · Gobolka Joorjiya · Gasiirada Rhode · Galbeedka Firjiniya · Hawaii · Idaho · Illinois · Indiana · Iowa · Kansas · Kentucky · Kalifornia · Kolorado · Konektikat · Koonfur Karolina · Koonfur Dakota · Louisiana · Maine · Maryland · Massachusetts · Mishiigan · Minnesota · Mississippi · Missouri · Montana · Nebraska · Nevada · Hampshire Cusub · Jersey Cusub · Meksiko Cusub · New York (gobol) · Ohio · Oklahoma · Oregon · Pennsylvania · Tennessee · Tegsas (Texas) · Utah · Wyoming · Washington (gobol) · Waqooyi Karolina · Waqooyi Dakota |
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.