Deked ku taala Puntland From Wikipedia, the free encyclopedia
Dekadda Boosaaso (Af Ingiriis : Port of Bosaso iyo Bosaso Port) waa dekada rasmiga ah ee magaalada Boosaaso, taasi oo u adeegta howlaha maamulka Puntland. Dekadani waxay ka mid tahay kuwa ugu weyn ee mashquulka badan Soomaaliya.[1] Warbixin ay sii daysay Idaacada BBC waxaa lagu sheegay in Dekeda Boosaaso tahay tan koowaad ee xoolaha Soomaalida laga dhoofiyo.[2]
Dekedda Boosaaso Port of Bosaso | |
---|---|
Dekedda Boosaaso. | |
Dekedda BoosaasoPort of Bosaso is located in Earth Dekedda Boosaaso Port of Bosaso | |
Meesha ku taalo | |
Wadanka | Somalia |
Meesha | Boosaaso |
Macluumaad kale | |
Gacanta ku haya | Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka Badda Iyo La dagaalanka Burcad badeeda ee Puntland. |
Wadanka Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaarada Afrika,[3] taasi oo u suurtogelisay ineey yeelato tiro badan dekado ah. Si kastaba ha ahaatee, dekadaha ugu waaweyn ee si xoogan uga shaqeeya wadanka Soomaaliya waxaa ka mid ah:
Dhinaca kale, wadanka Soomaaliya waxaa ku yaala tiro badan oo dekedo dabiici ah, qaar kale qadiimi yihiin. Dekeda ugu weyn wadanka waa Dekada Muqdisho oo Dawlada Federaalku gacanta ku hayso. Sidaas ay tahay waxaa jira tiro badan oo dekedo ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: Caluula, Maydh, Dekatul Raxmaan, Lughaya, Eyl, Qandala, Xaafuun, Hobyo, Garacad iyo Ceelmacaan.
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.