Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya

From Wikipedia, the free encyclopedia

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliyamap

Wasaaradda Maaliyadda (Af Ingiriis : Ministry of Finance), (MOF), waa wasaarada gacanta ku haysa isla markaana maamusha dhaqaalaha dowlada, canshuuraha, iyo kharashka wadanka Soomaaliya. Intaas waxaa dheer, wasaaradani waxay masuul ka tahay habaynta, dejinta iyo diyaarinta siyaasada dhaqaalaha iyo maamulka miisaaniyada dowlada fedraalka ah. Sanad kasta bisha Oktoober, Wasaarada Dhaqaalahu waxay hortimaadaa Gollaha Baarlamaanka si ay u sharaxdo miisaaniyada sanadle ee dowlada federaalka. Guud ahaan, Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya waxay hoostegtaa Wasiirka Maaliyada; wakhti xaadirkan waxaa wasiir ah Maxamuud Aadan Ibraahim.[1]

Quick Facts Warbixin Wasaarada, La-sameeyay ...
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Maaliyada
Ministry of Finance
Thumb
Warbixin Wasaarada
La-sameeyay31 Agoosto 1960; 64 sanadood ka hor (1960-08-31)
Hoos-tegtaDowlada Federaalka
Xarunta
sare
Muqdisho
  1. REDIRECT Template:Country data Soomaalia

Waaxda Fulinta
  • Maxamuud Ibraahim Aadan, Wasiirka Maaliyada
MaamulkaGolaha Wasiirada Soomaaliya
BartaBarta Internetka
Close

Qaabdhismeeka Wasaarada

  • Wasiirka Maaliyada
    • Wasiir ku xigeen
      • Xoghayaha Guud
      • Ku xigeenka Xoghayaha Guud
        • Waaxda Dhaqaalaha
        • Waaxda Xisaabta
        • Xafiiska Miisaaniyada
      • Bankiga Dhexe
        • Waaxda Nidaaminta
        • Waaxda Maamulka iyo Habaynta

Bankiga Dhexe

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waa bankiga dhexe ee dowlada wadanka Soomaaliya. Shaqooyinka bankiga waxaa ugu horeeysa maamulka iyo iskudheelitirka dhaqaallaha wadanka, xisaabinta miisaaniyada dowlada, ilaalinta qiimaha lacagta wadanka iyo nidaaminta koboca dhaqaalaha wadanka. Intaas waxaa u dheer, maamulka iyo dejinta siyaasada dhaqaalaha iyo maalgeshiga dowlada.[2]

Sidoo kale fiiri

Xigasho

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.