From Wikipedia, the free encyclopedia
Rasuul Ras'uul Nabi Nebi (ingiriis: Apostle, Prophet; carabi: ﻧﺒﻲ, "Nabiyu"; wadar الأنبیاء, loogu dhawaaqo "Al-Anbiyaa"; sidoo kale: ﺭﺳﻮﻝ, "Rasuul"; wadar ahaan: الرسل; "Ar-Rasul"; Greeg: ἄγγελος, ä'n-ge-los; Hebrew: מלאך, mal·äk) waa nin karaamaysan[1] oo Ilaahay (s.w) u soo diray dad, qoom, shacab ama qoomiyad.[2] Rasuul kasta waxaa loo soo diray in uu baro, u digo, isla markaana hogaamiyo bulsho dad ah. Tirada Rasuusha ee Alle u soo diray shacabka, qabiilada iyo bulshooyinka dunida aad ayay u faro badan yihiin; sidoo kale, wakhtiyada ay soo baxeen aad ayay u kala duwan tahay.[3] Sida ay qabaan khubarada aqoonta fiican u leh diinta Islaamka isticmaalka Rasuul iyo Nebi way kala duwan tahay, inkastoo guud ahaan labada erey loo adeegsado si isku dhow amaba isku mid ah. Sida ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa jira in ka badan 110,000 oo Nabi kuwaasi oo Ilaahay u soo diray shacabyo iyo qoomiyado kala duwan oo ah dad iyo jini. Laakiin Rasuusha Alle soo diray ee ku xusan kitaabka Quraanka Al-Furqaan ee diinta Islaamka waa shan Rasuul[4] oo kutub leh iyo sadex Rasuul oonaan aqoon u lahayn kutubta lagu soo dejiyay.[5] Waxayna kala yihiin: Nebi Ibraahim, Nebi Muuse, Nebi Daa'uud, Nebi Ciise, Nebi Muxamedﷺ. Rasuul kale oo aynaan aqoon iyo cilmi toona u lahayn kitaabta Alle ku soo dejiyay, waxaana ka mid ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub, Nebi Yoonis.
Rasuul
Kitaabka Quraanka kariimka ah ee diinta Islaamka waxaa ku xusan tiro 25 Rasuul iyo Nabi kuwaasi oo ugu horeeyo aabaheen Nebi Aadam (c.s) uguna dambeeyo nabiga lagu soo khatimay anbiyada iyo rususha waa Nebi Muxamedﷺ.[6] Intaasi waxaa dheer, Nebiyada iyo Rusushu waxaa Alle (s.w) u soo diri jirey qoomiyado kala duwan oo deegaano kala duwan ku nool, kuwaasi oo ku fasahaadey ama ka jeestay cibaadadii iyo diintii Alle u soo diray. Marka nebiyada iyo rusushu waxay ahaayeen kuwa dadka uga diga xumaha isla markaana fara wanaaga iyo wadada toosan.
Guud ahaan, sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[7] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:
Guud ahaan, sida ku xusan diinta Islaamka, diinta Masiixiyada, iyo tan Yuhuuda, anbiyada waxaa ugu horeeyay isla markaana aabe u ah Nabi Aadam C.S. oo ah aabaha dhamaan dadka.[12] Nabiyada Alle (s.w) soo diray waxaa ugu dambeeyay Nebi Maxamedﷺ (c.s.w) oo ka soo baxay qabiilka qureeysh sanadkii 570kii taariikhda miilaadiga ah.[13]
Markaan tixraacno sida diinta Islaamku xustey, Nebi waa qof (labka dadka) nin ah ka soo jeeda tafiirtii Nebi Aadam (lagu daro Nabi Aadam laftiisa) kaasi oo Alle (s.w) ku soo dejiyay waxyi iyo amar lagu faraayo in uu u digo, wax-baro, isla markaana hogaamiyo reer, qabiil, bulsho, qoom, dad ama shacab asago oo tixraacaya kitaab Alle ku soo dejiyay asaga ama Rasuul ka horeeyay.[14] Dhinaca kale, Ras'uul waa waa qof (labka dadka) nin ah ka soo jeeda tafiirtii Nebi Aadam kaasi oo Alle (s.w) u soo dhiibay fariin, laga yaabaa in kitaab lagu soo dejiyay ama aanan wax kitaab ah loo soo dirin, si uu hogaamiyo una fahansiiyo awooda weyn ee Alle.[15] Haddii aanu qofkaasi wadin fariin uu gaadhsiinayo dad, shacab ama bulsho ninkaasi wuxuu ahaanayaa Nebi. Sidaasi daraadeed Rasuul kasta waa Nebi, laakiin Nebi kasta ma ahan Rasuul.[16]
Waxaa jira dad badan oo Alle (s.w) soo diray kuwaasi oo ah Rasuul, Nebi ama labadaba. Tusaale ahaan, Nebi Muxamedﷺ waa Ras'uul iyo Nebi,[17] halka Nebi Yuusuf, tusaale ahaan, yahay nabi oo kali ah. Dhinaca kale, Nebi Daa'uud wuxuu ahaa nin Rasuul iyo Nebi ah oo lagu soo dejiyay kitaabka Sabuur,[18] halka wiilkiisa Nebi Suleymaan ahaa nebi oo kali ah. Inta u badan Rasuushu waxaa lagu soo dejiyay kitaab ay ku xusan tahay shariicada iyo qawaaniinta bulshada lagu maamulayo, halka Nebiyadu ay dadka barayeen kitaabta lagu soo dejiyay Rasuusha ka horeeysay.
Rasuusha Alle soo diray ee ku xusan kitaabka Quraanka Al-Furqaan ee diinta Islaamka waa shan Rasuul[19] oo kutub leh iyo sadex Rasuul oonaan aqoon u lahayn kutubta lagu soo dejiyay.[20] Waxayna kala yihiin:
Nebiya Ilaahay (s.w,t) ku sheegay kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiayay Nebi Muxamedﷺ waa 25 Nabi kuwaasi oo kala ah:
# | Magaca | Ciwaanka | Kitaabka | Nabi ama Rasuul | Qoomka ama Shacabka |
---|---|---|---|---|---|
1 | Nabi Aadam | نبي | - | Nabi | Ugu horeeyay dhamaan dadka iyo Nebiyada |
2 | Nebi Idriis | نبي [21] | - | Nabi | Nabigii labaad ee dhamaan anbiyada |
3 | Nebi Nuux | نبي [22] | - | Rasuul (رسول) | Qoomu Nuux (قوم نوح) |
4 | Nebi Huud | رسول [23] | - | Rasuul | Reer Caad (عاد) |
5 | Nebi Saalax | رسول [24] | - | Rasuul | Reer Samuud (ثمود) |
6 | Nebi Ibraahim | نبي | Suxuf (صُحُف) [25][26] | Rasuul (رسول) | Reer bani Ibraahim ( قوم إبراهيم) |
7 | Nebi Luud | نبي [27] | - | Rasuul (رسول) | Reer Luud (قوم لوط) |
8 | Nebi Ismaaciil | نبي [28] | - | Rasuul (رسول) | - |
9 | Nebi Isxaaq | نبي [29] | - | Nabi iyo Imaam (إمام) | - |
10 | Nabi Yacquub C.S. | نبي [29] | - | Nebi iyo Imaam (إمام) | - |
11 | Nebi Yuusuf | نبي [27] | - | Nebi | - |
12 | Nebi Ayuub | نبي [27] | - | Nabi | - |
13 | Nebi Shuceyb | رسول[30] | - | Rasuul | Reer Madyan |
14 | Nebi Muuse | نبي رسول [31] | Kitaabkii Towraad (التوراة) | Nabi iyo Rasuul | Reer Fircoon (فرعون وملائيه) |
15 | Nebi Haaruun | نبي [32] | - | Nabi | Taageerayay walaalkii Nabi Muuse |
16 | Nebi Dulkifli | - | - | Nebi | - |
17 | Nebi Daa'uud | نبي [27] | Kitaabkii Sabuur ( زبور) | Nabi | - |
18 | Nebi Suleymaan | نبي [27] | - | Nebi | - |
19 | Nebi Ilyaas | نبي | - | Rasuul (رسول) iyo Nebi[33] | Reer Ilyaas (قوم الياس) |
20 | Nebi Alyasac | نبي [27] | - | Nabi | - |
21 | Nebi Yuunus | نبي [27] | - | Rasuul (رسول) | Reer Yoonis (قوم يونس) |
22 | Nebi Zakariye | نبي [27] | - | Nabi | - |
23 | Nebi Yaxye | نبي [34] | - | Nabi | - |
24 | Nebi Ciise | نبي [35] | Kitaabkii Injiil [36] | Nabi iyo Rasuul (رسول) | Reer bani Israa'iil (بني إسرائيل) |
25 | Nabi Muxamed | نبي | Kitaabka Furqaan (قرآن) | Nabi iyo Rasuul (رسول) [37] | Dadka oo dhan (جميع الناس) |
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.