From Wikipedia, the free encyclopedia
Alle, Allah, Ilaah, iyo Rabbi (Af-Carabi: الله; Af-Taliyaani : Dio; Af Ingiriis : God; Ge'ez: እግዚአብሔር) (English pronunciation: / ælə/ or / ə/ ; [1] Af Carabi : ar Allāh, IPA: [ʔalˤˈlˤɑːh] ( dhageeyso)) (al ilāh).[2][3][4][5] waa awooda guud ee maamula koonka iyo wixii ku dhex jira ee dadka, jinka, malaa'igta, shaydaanka iyo wixii soo raaca leh.
Sida ku xusan diinta Islaamka, Ilaahay waa:
Alle waa kan abuuray dunida wixii ku dhexjira ee nool iyo aan noolayn, meereyaasha, qoraxda, xidigaha, hawada, biyaha iyo guud ahaan Koonka. Sidoo kale, Ilaahay Asaga ayaa maamula dhamaan nolosha, dhimashada, arsaaqada iyo wixii la halmaala.[6][7][8]
Ilaahay (s.w.t) waa kan abuuray dhamaan nolosha, isla markaana maamula jiritaanka, calafka, nolosha iyo dhimashada wakhtigooda.
Sida kitaabka Quraanku inoo sheegay awoodaha Alle waxaa ugu waawayn abuurida cirka iyo dhulka, iyo duunyooyinka kale, malaa'igta, dadka, jinka iyo dhamaan noolaha ku dhexjira koonka. Sidoo kale, waxaa jira jano iyo cadaab la isku xisaabin doono aakhiro.
Kelmada "Allah" waxay ka timid luuqada Carabiga ah ee uu ku soo degay kitaabka Quraanka ee saldhiga u ah diinta Islaamka. Dhamaan dadka qaatay diinta Islaamku waxay sidoo kale isticmaalaan magacyada Alle ee luuqada carabiga ah. Waxaa jira 99 Magac oo Ilaahay (s.w) leeyahay, kuwaasi oo dhamaan xusaya weeynida iyo astaamaha Alle.[9] Dhamaan diimaha ka jira caalamka waxay ku salaysan yihiin caabuditaanka Ilaahay, waloow ay siyaabo kala duwan u sharaxaan oo u cibaadeystaan. Diimaha la isku yidhaahdo "Abrahamiga" oo ku abtirsada Nabi Ibraahim (c.s) (kuwaasi oo kala ah Islaamka, Masiixiga iyo Mosaicga) waxay dhamaan aaminsan yihiin oo ka mideeysan yihiin inuu jiro Hal Alle, kaasi oo ah Kan abuuray dhulka iyo cirka iyo wixii ku dhexjira.[10][11][12] Many Arabic type fonts feature special typographic ligature|ligatures]] for Allah.[13][14]
Si kastaba ha ahaatee, diinta Islaamka waxaa ku xusan jiritaanka iyo weeynida Alle, waxaana marar badan dadka la xasuusiyaa awooda Allah iyo mucjisooyinkiisa. Talaabada koowaad ee marka qofku soo galayo diinta Islaamka ayaa ah Shahaadada taasi oo sheegaysa in qofkaasi qirayo in Alle jirin Ilaahay mooyee, Nabi Muxamedna yahay rasuulkiisii.
Magacyada Allah (Af Carabi : ar ʾasmāʾ allāh al-ḥusnā) waa magacyada Ilaahay ee ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah iyo sunnaha Rasuulka (s.c.w).[15][16]
Sida laga soo wariyey xadiiska Nabi Muxamed (n.n.k.h) magacyada Ilaahay ma ahan kuwo la soo koobi karo, laakiin 99ka Magac ee Ilaahay waa kuwo ka mid ah sharaxaada awooda iyo astaamaha Alle (s.w). Xadiis uu nabiga ka soo weriyey asxaabiga Cabdilahi ibn Mascuud wuxuu sheegay in magacyada Ilaahay qaarkood laga qariyey aadamaha sababtoo ah maskaxdoodu maba qaadi karto.[17]
Ilaahay wuxuu ku yidhi kitaabka Quraanka: “اللَّهُ لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ لَهُ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَى” “Ilaahay, alle kale ma jiro Asaga mooyee, wuxuu leeyahay Magacyo sharfoon” (surat Dặh, Ayad 8aad).
Marka la tixraaco diinta Islaamka,[18] Nabi Muxamed (c.s.w) ayaa soo ururiyey magacyada Alle, taasi ooy ku xusan tahay xadiisyo badan. In badan oo Magacyada Alle ah waxay ku xusan yihiin kitaabka Quraanka, qaar kale waxa laga dhex helay xadiisyada, qaar badana waxay ku dhex jiraan labadoodaba.[19] Xadiis la isku raacsan yahay oo "saxiis Muslim" ah waxaa uu sheegaya:
99ka Magac ee Ilaahay | |
---|---|
الله · الرحمن · الرحيم · الملك · القدوس · السلام · المؤمن · المهيمن · العزيز · الجبار · المتكبر · الخالق · البارئ · المصور · الغفار · الغفار · الوهاب · الرزاق · الفتاح العليم · القابض · الباسط · الخَافِض · الرافع · المعز · المذل · السميع · البصير · الحكم العدل · اللطيف · الخبير · الحليم · العظيم · الغفور · الشكور · العلي · الكبير · الحفيظ · المقيت الواسع · الحسيب · الجليل · الكريم · الرقيب · المجيب · الحكيم · الودود · المجيد · الباعث · الشهيد الحق · الوكيل · القوي · المتين · الولي · الحميد · المحصي · المبدئ · المعيد · المحيي · المميت · الحي · القيوم · الواجد · الماجد · الواحد · الاحد · الصمد · القادر · المقتدر · المقدم · المؤخر · الأول · الأخر · الظاهر · الباطن · الوالي · المتعالي · البر · التواب · المنتقم · العفو · الرؤوف · مالك الملك · ذو الجلال والإكرام · المقسط · الجامع · الغني · المغني · المانع · الضار · النافع · النور الهادي · البديع · الباقي · الوارث · الرشيد · الصبور · |
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.