Konya
From Wikipedia, the free encyclopedia
Konya (Af Carabi : ar; (Ku dhawaaqa Af-Turki: [ˈkon.ja] ) waa magaalo ku taalo Bartamaha Anaadool, Wadanka Turkiga. Konya waa caasimaddii hore ee dawladii Salaajiqida ruum Af Turki : Büyük Selçuklu Devleti, waxayna Saldanadaas ka talin jirtay badanaa dalka Turkiga xiligii ka horeeyey duulaankii Maangooliyiinta ama Tataarka.
Konya | |
---|---|
Magaalada Konya | |
![]() Degmada Nalçacı ee Magaalada Konya | |
Wadan | Turkey |
Gobolka | Konya |
Dowlada | |
• Duqa magaalada | Tahir Akyurek |
Area | 38,873 km2 (15,009 sq mi) |
Joogga | 1,200 m (3,900 ft) |
Tirada dadka (2014)[1] | |
• Dhammaan | 1,220,795 |
• Cufnaanta dadka | 50/km2 (100/sq mi) |
Aag saacadeed | UTC+2 (EET) |
• Xagaa (DST) | UTC+3 (EEST) |
Boostada | 42XXX |
Furaha | (+90) 332 |
Licence plate | 42 |
Website | www.konya.bel.tr |
Konya waxaa ku yaalo goobo taariikhi ah oo farabadan sida: Masaajidka Calaa'udiin waxaana dhismihiisa la bilaabay xiligii uu talada hayay boqorkii la oran jiray Mascuudkii 1aad ayadoo la dhameeyey waqtigii Kayqubaadkii 1aad ee kawada tirsanaa Madaxdii isaga dambeysay Salaajiqada. Sidoo kale waxaa ku yaal Matxafka caanka ah ee Mawlaanaa Jalaaluddiin Arruumi.
Konya waa magaalada uu kasoo jeedo Ra'iisulwaxaarihii hore ee dalka Turkiga Mudane Axmed Dafutoglu.
Taariikhda
Sooyaalka magaalada ayaa ah mid aad u fog, waxey muujisay baaritaano la sameeyay in magaalada la daganaa 3000 sano ka hor miilaadiga [2].
Magaalada Waxey mar ahayd mid raacsan boqortooyada faaris ilaa alaskandar uu ka jabiyay daariyoos sedexaad, 333 ka hor miilaadiga, markuu dhintay Aleksandr oo boqortooyadiis burburtay waxay noqotay mid hoostimaada xukunka boqorada bermaagoon, sanadkii 133 ka hor miilaadiga ayee si dhaxal ahaan ah ugu guurtay roomaanka kasii dibna bririizanda ayee u sii guurtay.
Qarnigii 8aad iyo kii tobonaad in u dhaxeesay waxey magaalada la kulantay weeraro is xig xiga oo dhanka Musliimiinta
Sidoo Kale Fiiri
Tixraac
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.