Calaaudiin keyqubaad
From Wikipedia, the free encyclopedia
waaa calaaudiin keyqubaad bin kiikhisroo suldaankii salaajiqada ruum intii u dhaxeesay 1220-1237, wuxuu ahaa suldaanka ugu magaca dheeraa boqorada salaajiqada ruum waxaa magaciisa la raacsiiyaa erayga "alcadiim" yacni "kii weynaa" [1] .
Calaaudiin koowaad | |
---|---|
Suldaanka ruum | |
![]() Taalada calaaudiin ee Alaniya | |
Suldaanka ruum | |
Xilka | 1220–1237 |
Ka horeeyay | Kiikaawuus koowaad |
Ku xigay | Kiikhisroo labaad |
Dhashay | 1190 quunya |
Dhintey | 1237 ( 46–47 jir) qeysariya |
Ku aasan | Masjidka calaaudiin, quunya |
Suldaan | Salaajiqada ruum |
Aabo | Kiikhisroo koowaad |
Hooyo | Raaliya khaatuun |
Diinta | Sunni Islam |
Noloshiisa hore
wuxuu dhashay 1190 wuxuna ahaa Wiilka labaad ee kiikhisroo koowaad suldaankii salaajiqada, calaaudiin waxaa uu ka taliyay xiligii aabihiis magaalada tooqaad, aabihiis markuu ku dhintay dagaalkii alcashiir 1211[2], waxaa xilka ku murmay wiilashiis keyqubaad kiikhisroo iyo kafidroon, kiikhisroo oo taageero ka helaayo talyaasha dawlada ayaa ku guuleestay inuu ka adkaado labadiis walaal [3] , waxa uuna xabsiga dhigay calaaudiin keyqubaad,
Qabashada xilka
Sideedii sano uu xilka haayay kiikaawuus koowaad calaaudiin waxa uu ku jiray xabsiga, balse markuu dhintay walaalkiis si kadis ah sanadkii 1120 maadaama uu wax ilmo ah ka tagin madaxdii dawlada waxay isku raaceen inay ka dhigtaan calaaudiin suldaan. Sidaas ayuu calaaudiin xabsiga uga soo baxay kuna noqday suldaanka dawlada
Furashooyinkiisa
Furashada alaaniya
Furashada qiram
Isku dhaca ayuubiyiinta
La dagaalanka khawaarzimiyiinta
Ka hortagida tataarka
Tilmaamihiisa
calaaudiin waxa uu xiriir fiican la lahaa culumada islaamka iyo abwaanada, suufiya badan sida ibnu carabi ayaa yimid anadool intuu xilka haayay. Taariiqyahahnka ibnu kasiir waxa oo ku tilmaamay inuu ka mid ahaa boqorada kuwa ugu caadilsan uguna dhaqan fiican [4]
Dhimashada
Waxa uu dhintay calaaudiin sanadkii 634H oo ku beegan 1237 miladi
Dhaxalkiisa
Masjidka calaaudiin ee quunya
Qalcada niida
Manaarada ifali ee andaaliya
Qasriga qubaad aabaad
Qalcada alaaniya
xigasho
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.