Liin qarboosh
From Wikipedia, the free encyclopedia
Liin qarboosh (Af Ingiriis : lime; Af Carabi : ar) waa midho ka mid ah khudaarta taasi oo la qoys ah guud ahaan liinta. Liin qarbooshta waxay aad iskugu dhow yihiin xaga dhaqanka iyo waxyaabaha ay ka sameeysan tahay Liin dhanaanta. Sidoo kale Liin qarbooshtu waa mid dhanaan xoogan leh oo ka qolof adag dhamaan qoyska liimaha.[1] Liintani waa mid wareegsan nooc goobo oo kale ah, midab cagaar ah leh taasi oo dhererkeedu yahay 3–6 sentimetre (1.2–2.4 inji), isla markaana ka kooban dheecaan asiidh oo adag.[2]
- Kani waa maqaal ku saabsan Liin qarbooshta. Bogag kale fiiri Liin Macaan, Liin Dhanaan, Liin Beydariin iyo Liin Bambeelmo
Liin Qarboosh | |
---|---|
Midhaha liin qarbooshtu waa mid cagaaran | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
Gacalka: | Eudicots |
Dirka: | Rosids |
Subdirka: | Khudaar |
Bahka: | Midho |
Duulka: | Liin |
Noocyada: | Liino dhanano |
Magaca laba-geesoodka ah | |
Liin qarboosh Suge Xareed |
Marka laga hadlayo noocyada liin qarbooshta waxaa jira ilaa dhowr nooc oo liin qarboosh ah, waxaana ka mid ah liinta xagigan (Citrus aurantifolia), liin qarbooshta Beershiya, qarbooshta qolofta adag iyo qarbooshta lamadegaanka. Nafaqo ahaan liin qarbooshtu waxay leedahay fiitamiino badan, gaar ahaan Fiitamiin-Sii, waxaana sida caadiga ah lo isticmaalaa in cuntada dhadhan fiican loogu sameeyo.
Waxaa sidoo kale laga sameeyaa liin qarbooshta noocyo badan oo cabitaan ah.
Geedka liin qarbooshta wuxuu midho dhalaa halmar sanadkii, waxuuna si fiican ugu baxaa deegaanada cimilada diiran leh ee ka ag dhow dhulbadhaha. In kastoo noocyada midhaha liin qarbooshtu kala duwan tahay, waxay guud ahaan leedahay awood dhanaan oo adag mararka qaal lagu sheego ineey qadhaadh xigto. Waxaa aad uga dhanaan badan liin dhanaanta, sidoo kale sonkorta ku jirta liin qarbooshtu waa mid kala duwan sababo la xidhiidha nafaqada geedka iyo cimilada darteed.[3]