![cover image](https://wikiwandv2-19431.kxcdn.com/_next/image?url=https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/5/59/Lemon%252C_Lemon_tree%252C_Florence%252C_Italy.jpg/640px-Lemon%252C_Lemon_tree%252C_Florence%252C_Italy.jpg&w=640&q=50)
Liin dhanaan
From Wikipedia, the free encyclopedia
By: Abdirisak Mohamed
Liindhanaan | |
---|---|
![]() | |
Liindhanaan | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
Gacalka: | Eudicots |
Dirka: | Rosids |
Subdirka: | Khudaar |
Bahka: | Midho |
Duulka: | Liin |
Noocyada: | Liino |
Magaca laba-geesoodka ah | |
Liindhanaan |
- Kani waa maqaal ku saabsan Liindhanaanta. Bogag kale fiiri Liin Macaan, Liin Beydariin, Liin Qarboosh iyo Liin Bambeelmo
Liindhanaan (Af Ingiriis : lemom; Af Carabi : arā) waa midho ka mid ah khudaarta oo ka tirsan qoyska liinta. Liindhanaantu waxay caan ku tahay dhadhankeeda dhanaanka ah iyo biyaha asiidha badan ee laga helo midhaheeda. Geedka liindhanaantu waa mid waligiis cagaar ah oo ka dherer gaaban geedaha kale ee liinta. Sidoo kale liindhanaanta waxay aad iskugu dhow yihiin xaga dhadhanka iyo walxaha ay ka samaysan tahay midhaha liin qarbooshta, waxayna keliya ku kala duwan yihiin midabka cagaaran ee liin qarbooshta. Intaas waxaa dheer in liindhanaantu ka dhanaan badan tahay liin qarbooshta.[1][2] Isla markaana leedahay tiro badan oo nafaqada jidhku u baahan yahay ee fiitamiin-Sii.[3]
Guud ahaan, liindhanaantu waxay ka baxdaa wadamo badan oo caalamka ah, kuwaasi waxaa ka mid ah Soomaaliya, laakiin waxoo u badan yahay dalka Hindiya.
Liindhanaan, waxaa aad looga isticmaali jiray, wadamada aasiya, kumanaan sano ka hor.
liinta dhanaan, waa geed mirahiis, oo jaale ama cagaar ah. dhaxda waxee ku leedahay hilibkii liinta, oo ubax camal u sameesan,oona ah biyo dhan ah. liinta waxaa lagu isticmaala Cuntada ama Biyaha cabiyaanka.