![cover image](https://wikiwandv2-19431.kxcdn.com/_next/image?url=https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/1/13/Nutrient-cycle_hg.png/640px-Nutrient-cycle_hg.png&w=640&q=50)
Nafaqo
From Wikipedia, the free encyclopedia
Nafaqadu (Af Carabi : arā; Af Ingiriis : nutrient) waa walxo ku jira cuntada taasi oo nooluhu u isticmaalaan ineey ku noolaadaan iyo ku koraan. Nafaqada yar eee joogtada ah waxay keentaa in nooluhu ku sii wato nolosha, halka nafaqo badan oo joogto ahi ka caawiso jidhka noolahaas inuu koro oo awoodeysto. Guud ahaan nafaqada noocyaheeda kala duwan waxaa laga helaa deegaanada kala duwan ee oogada Dhulka.[1] Sidoo kale nafaqadu waxay jidhka ka caawisaa inuu dib u habayn ku sameeyo meelaha ka dilaaca ama dhaawacu ka soo gaadho. Noocyada ay nafaqada u qaataan xayawaanka iyo dhirtu way kala duwan tahay. Sida caadiga ah, dhirtu waxay nafaqada si toos ah uga soo qaataan carada ayagoo isticmaalaya xididadooda, mararka qaarna waxayba ka soo qaataan cirka ayagoo isticmaalaya caleemohooda.
- Bogani wuxuu ka hadlayaa guud ahaan nafaqada. Saameynta nafaqada dadka fiiri cunto caafimaad leh, sidoo kale fiiri nafaqada dhirta.
![Thumb image](http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/1/13/Nutrient-cycle_hg.png/640px-Nutrient-cycle_hg.png)
Hadaba xayawaanka iyo fungigu way ka duwan yihiin dhirta, waxayna nafaqada ka helaan isla dhirta, xayawaano kale iyo noocyo kale oo noole ah; kuwaasi oo marka la liqo caloosha dhexdeeda lagu jajabiyo si looga sameeyo awood iyo tamar uu jidhkaasi ku noolaado isla markaana ku koro. Walxaha nafaqada organika ah waxay ka sameeysan yihiin karbonhydrateyo, dux, borotiino, amino asiidhyo iyo fiitamiino kuwaasi oo dhamaan muhiim u ah koritaanka, jiritaanka, awooda maalin kasta iyo caafimaadka noolaha. Walxaha qaar aan ahayn organik sida macdanta, biyoha iyo ogsajiinta waxaa iyagana laga helaa nafaqo, waloow nafaqada laga helo kuwani ka duwan tahay kuwa aan kor ku soo xusnay.[2]
Guud ahaan nooluhu wuxuu u baahan yahay nafaqo joogto ah si uu u sii noolaado, jidhkiisu awood u lahaado, isla markaana caafimaad iyo koritaanka u sii wado. Hadii nafaqo daro ku dhacdo jidhka waxaa isla markaasba soo abaara xanuun, daciifnimo, diif iyo dhibaato hor leh. Noocyada nafaqo ee jidhku u baahan yahay waxyar oo kali ah waxaa loo yaqaanaa nafaqoyar ama "micronutrients", kuwaasi waxaa mararka qaar lagu sheegaa in jidhku ka maarmi karo intii wakhti ah ama aanu isbadaw weyn ku imanayn hadii la waayo nafaqooyinka noocani ah ee yar; halka nooca nafaqo ah ee jidhku aadka ugu baahan yahay maalin walba loo yaqaano nafaqoweyn ama "macronurtients", kuwaasi oo la'aantood jidhku sii wadi karin nolosha, isla markaana saamayn weyn ku yelanaysa amaba keeni karta geeri dagdag ah.[3]