Firiley
From Wikipedia, the free encyclopedia
Firi (Af Ingiriis : grain; Af Carabi : arā) waa midho yaryar, qalalan, adag, siidh ah, kuwaasi oo (qaarkood) qolof sare ama dahaar maqaar leh oo ka baxa geedo gaaban iyo kuwo u dhow geedka cowska. Midhaha firileyda ah waxaa quuta oo cunto u tahay dadka iyo xoolaha.[1] Midhaha firida waxaa ka mid ah bariiska, qamadiga, garowga, heeda, sareenka, digirta, hadhuudhka iyo kuwo kale oo badan.
- Kani waa maqaal ku saabsan guud ahaan midhaha firida.
- Boga "firi" halkan ayaa laga soo toosiyay
Midhaha firileyda waxaa laga beeraa dhamaan qaaradaha caalamka, waana cuntada ugu badan ee dadka iyo xooluhu quutaan. Firileyda waxaa laga sameeyaa daqiiqda, canjeerada, sabaayada, malawaxa, buskudka, keega iyo noocyo badan oo kala duwan oo laga cuno dhamaan caalamka.
Firileydu waa xubin ka mid ah dhirta cowsleyda ah ee dhasha midhaha firida ah, taasi oo ka baxda meelo badan oo dunid ah. Midhaha geedahan waxaa loo isticmaalaa cunto ahaan, in kastoo wadano badan oo caalamka ahi u isticmaalaan ineey ku quudiyaan xoolaha la dhaqdo.