Firi (Af Ingiriis : grain; Af Carabi : ar) waa midho yaryar, qalalan, adag, siidh ah, kuwaasi oo (qaarkood) qolof sare ama dahaar maqaar leh oo ka baxa geedo gaaban iyo kuwo u dhow geedka cowska. Midhaha firileyda ah waxaa quuta oo cunto u tahay dadka iyo xoolaha.[1] Midhaha firida waxaa ka mid ah bariiska, qamadiga, garowga, heeda, sareenka, digirta, hadhuudhka iyo kuwo kale oo badan.

Kani waa maqaal ku saabsan guud ahaan midhaha firida.
Boga "firi" halkan ayaa laga soo toosiyay
Thumb
Midhaha dhowr nooc oo firiley ah

Midhaha firileyda waxaa laga beeraa dhamaan qaaradaha caalamka, waana cuntada ugu badan ee dadka iyo xooluhu quutaan. Firileyda waxaa laga sameeyaa daqiiqda, canjeerada, sabaayada, malawaxa, buskudka, keega iyo noocyo badan oo kala duwan oo laga cuno dhamaan caalamka.

Firileydu waa xubin ka mid ah dhirta cowsleyda ah ee dhasha midhaha firida ah, taasi oo ka baxda meelo badan oo dunid ah. Midhaha geedahan waxaa loo isticmaalaa cunto ahaan, in kastoo wadano badan oo caalamka ahi u isticmaalaan ineey ku quudiyaan xoolaha la dhaqdo.

Midhaha

Thumb
Midhaha firida waxaa ka mid ah: qamadi, masago, heed, sareen.

Dhamaan midhaha firida waxay xubin ka yihiin qoyska cowska.[2] Midhaha firidu waxay leedahay dahaar iyo qolof ku dhegan midhaha waxayna leeyihin kaarbonhaydarate badan iyo awood. Qaar ka mid ah midhaha firida laga beerto caalamka:

Muuqaalka

Qoraalo La Xidhiidha


Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.