From Wikipedia, the free encyclopedia
Fasuliyad (Af Ingiriis : navy bean; Af Carabi : ar) Saynis ahaan ka mid ah dhirta lagu magacaabo "Phaseolus vulgaris" iyo "pearl haricot";
waa midho firiley ah oo ka tirsan qoyska digirta guud[2]
Waa midho yaryar, qalalan oo leh midab cadaan ah - mararka qaar casuus ah, ama isku midab isku dhafan, taasi oo xajmigeedu ka yaryahay digirta kale iyo guud ahaan bahda digirta.[3]
Si la mid ah digirta kale, faasuuliyadu waxay leedahay nafaqo badan oo jidhka dadka iyo xoolaha aad ugu fiican kana helaan fiitamiino badan.[4]
Faasuliyad | |
---|---|
midhaha faasuliyada | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
(darajo la'aan): | Angiosperms |
(darajo la'aan): | Eudicots |
(darajo la'aan): | Rosids |
Dirka: | Fabales |
Bahka: | Digir |
Qabiilka: | Phaseoleae |
Qabyaalad: | Phaseolinae |
Noocyada: | Firi P. vulgaris |
Magaca laba-geesoodka ah | |
Fasuliyad vulgaris Carl Linnaeus[1] |
Faasuuliyadu waxay leedahay midab cad, taasi oo keentay in meelo badan oo caalamka ah lagu magacaabo "digitra cad". Gabi ahaan dhirta geedaha faasuuliyadu waa mid dhasha hal mar sanadkii, taasi oo u baahan cimilo iyo biyo kala gedisan.[5]
Faasuuliyadu waxay ka mid tahay geedaha ugu taariikhda dheer ee dadku beeran jireen tan iyo ilbaxnimooyinka ka hor, wakhti hada laga joogo 10,000 sano.[6] Sida caadiga ah faasuliyadu waxaa maanta laga beerta meel kasta oo caalamka ah, marka laga reebo Antaraktika. Wadanada Baraasiil iyo Hindiya aya ugu badan soo saarida iyo beerida digirta qalalan, halka wadanka Shiinaha ugu badan yahay nooca digirta cagaaran. Sanadkii 2010ka waxaa caalamku guud ahaan soo saaray 23 milyan oo digirta guud ah iyo 17.1 milyan oo digirta cagaaran ah.
Noocyada faasuuliyadu waxaa ka mid ah:
Guud ahaan digirta oo idil waa mid nafaqo badan u leh jidhka dadka iyo xayawaanka, sababtoo ah ma lahan dux badan, kolestarool iyo sonkor badan. Faasuuliyadu waxay leedahay fiber oo ah mid caawiya caloosha, borotiin iyo awood badan, iyo noocyo badan oo fiitamiin ah. Faa'iida gaarka ah ee laga helo faasuliyada oo kali ah waa nafaqada phosphatidylserine (PS) oo ah mid aad u caawisa jidhka noolaha.[7]
Guud ahaan faasuliyada qalalan weey ka cimri dheer tahay noocyada kale ee firileyda ah. Marka faasuliyada la warshadeeyo ee la qasaacadeeyo waxay ahaan kartaa mid feresh ah wakhti aad u dheer. Si loo ilaaliyo fiicnida iyo caafimaadka faasuliyada la keydinayo waxay u baahan tahay in la dhigo meel mugdi ah, qalalan oo leh heerkul aan ka hooseynin 75 digri Farenheit.[8]
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.