Cusmaan gaazi
From Wikipedia, the free encyclopedia
aabahaa boqorada algaazi fakhrudiin cusmaan bin ardogrol bin suleymaan shaah (turkida cusmaaniyada: أبو المُلوك غازى (سُلطان عُثمان خان أول بن ارطُغرُل؛ wuxuu ahaa hogaamiyaha qabiilka kaay wuxuuna masuul uga ahaa salaajiqada ruum xuduuda biriizanda, salaajiqada markay burbureen wuxuu aasaasay cusmaan dawlada loogu magac daray ee cusmaaniyiinta [1] ee ka talineesay mudo 600 sano dhulka carabta, anadol iyo mandiqada balqaan
Cusmaan gaazi عثمان غازي الأول | |
suldaanka 1aad ee cusmaaniyiinta | |
---|---|
mudada xukunkiisa | |
1299 ilaa , 1326 | |
Xil kaga horeeyay: | cidna kama horeyn. |
Xil kaga danbeeyay | orkhan. |
Dhashay: | 1258 |
Ku dhashay: | sogut ,anaadool |
Diintiisa: | Islaam |
Dhalasho: | dawlada cosmaniya |
aabihiis | ardogrol bin suleymaan shaah |
hooyadii | xaliima khaatuun |
xaaska | rabia bala malhun khaatuun |
ilmaha | orkhan, calaaudiin |
Dhintay: | 1326 sogut, anaadool |
Ku duugan: | bursa, anaadool |
Cusmaan gaazi wuxuu dhashay 656 hijri kubeegan 1258 miiladi waxaa la dhahaa maalinkii tataarka ku dudunsheen baqdaad ayuu dhashay [2], aabihii ardogrol wuxuu ahaa hogaamiyaha qabiilka kaay waxa uu masuul uga ahaa salaajiqada ruum xuduuda biriizanda markuu dhintay 1281 cusmaan ayaa booskiis galay wuxuu weero badan ku qaaday imbiraadooriyadii biriizanda wuxuu ka qabsaday dhulal badan sida karaja xisaar, enagol, belajik, izniik, iyo askee shahar