Cumar Dhuule
From Wikipedia, the free encyclopedia
Cumar Dhuule (Af Carabi : ar; Af Ingiriis : Omar Dhule) wuxuu ahaa fanaan ka mid ahaa fanaaniinta ugu caansanaa suugaanta dadka Soomaalida ah. Fanaanku waxuu horaantii 1941dii ku dhashay duleedka magaalada Burco gobolka Togdheer ee maanta ka tirsan dowlad-goboleedka Somaliland. Fanaanku wuxuu ahaa heesaa aad u cod macaan oo geyiga Soomaaliyeed aad looga jecel yahay. Codkiisa wanaagsan darteed waxaa lagu naaneysi jirey Boqorka Qaaciga Fanka Soomaaliyeed.[1]
- Kani waa maqaal ku saabsan fanaanka cumar dhuule cali. Haku khaldin magaca Cumar.
- Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fadlan fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.
Cumar Dhuule Cumar Dhuule عمر ظوله | |
---|---|
Ku dhashay | Janaayo, 01 1941 Burco, Waqooyiga Soomaaliya |
Dhimasho | Luuliyo 2005 ( 1999–2000 jir) |
Ku aasan | Caasimada Jabuuti |
Qoomiyada | Soomaali |
Shaqada | Heesaa, Fanaan, laxamiiste, jilaa |
Sanadaha Shaqada | 1958dii-2005 |
Ka tirsan | Kooxda Waaberi (1970-1998) |
Shaqooyinka ugu muhiimsan | Kaban, Heeso wadani, qaraami, qaaci, heeso jacayl, qasaa'id |
Magaalada ka soo jeedo | Burco, Somaliland |
Ciwaan | Boqorka Qaaciga, Aabaha hogta |
Diinta | Sunni Islaam |
Fanaan Dhuule wuxuu caan ku ahaa heesaha qaaciga ah, garaacida kabanka (gaar ahaan nooca loo yaqaano "cuudka"), saaridda laxanka, abuurista halabuur, samaynta sheekooyinka iyo majaajilada, habaynta ruwaayadaha iyo guud ahaan ka qeyb-qaashada Fanka Soomaalida.[2] Faanaanku wuxuu kamid ahaa dadki dalka ka baxay markii u qarxay dagaalkii sokeeye. Waxa uu na waqti joogay waddanka Suuriya kadibna waxaa uu usoo gudbay waddanka Iswisarland gaar ahaan magaalada Jenefa oo uu waqti ku noolaa.