Laxan
From Wikipedia, the free encyclopedia
Laxan (Af Ingiriis : Melody; Af Carabi : arā) waa habka iyo nidaamka dhawaqa hees leedahay, taasi oo fanaan ku luuqeeyo. Laxanka waxaa loo sameeyaa si heesaha loo kala sooco isla markaana loogu qurxiyo iyo macaaneeyo dhadhanka hees, gabay iyo ereyo loogu talogalay in dad lagu madadaaliyo.
Sida caadiga ah heesaha Waxaa marka hore alifa abwaan, ka dib ayaa laxanka la saara, muusig loo sameyaa, ilaa ugu dambeynta fanaan ku luuqeeyo. Sidoo kale, heesta marka laxanka la saaro ayaa muusiga loo samayn karaa. Guud ahaan laxanadu way kala duwan yihiin, kala macaan yihiin. Laxanka heesaha Soomaalida wuxuu ka tirsan yahay shan dhawaaq nooc la yidhaahdo.