Ciid al-Adxaa
Mid ka mid ah ciidaha muslimiinta / From Wikipedia, the free encyclopedia
Ciid al-Adxa (Af Carabi : ar; Af Ingiriis : Eid al Adha; sidoo kale loo yaqaano Ciida Carafo) waa ciida labaad ee dadka muslimiintu u dabaal degaan iyagoo cibaadooyin cayiman alle ku caabudaya, waxay ku beegantahay 10 bisha dil xijja ee kalandarka islaamka ama Taariikhda Hijriga, waana markii laga soo tago taagnida Carafa, meesha ay istaagaan xujaydu si ay u gutaan manaasikta xajka kuwa ugu muhimsan, Ciida ayaa dhamaata 13 dil xijja , ciidaan ayaa sidoo kale ah xasuusta qisadii nabi Ibraahiim[2] cs markii uu doonay inuu wiilkiisa Ismaaciil huro (Gowraco) isagoo gudoomaya amarkii alle ee ahaa inuu gawraco wiilkiisa curadka ah, waana laga daayay oo lagu furtay wan weyn. saas daraadeed muslimiintu waxay huraan ama gowracaan qofkiiba ama xaytiiba neef xoolo ah (Ari , Lo' ama Geel) iyadoo hilibkaas loo qaybinayo qaraabada dadka masaakinta ah iyo cidahooda, halkaas ayuuna ka yimid magaca (adxaa, ama udxiya) oo la macno ah qowricid ama hurid. maadaama la hurayo xoolo la gowracayo.
| |
---|---|
Dadka | Muslim[1] |
Nooca | Dabaaldeg dadka Muslimka |
Sababta |
|
Loo dabaaldego |
|
Wayabaha la sameeyo |
|
Bilaabanta | 10 Dul al-Hijjah |
Dhamaata | 13 Dul al-Hijjah |
Taariikhda | 10 Dhu al-HijjahTemplate:Infobox holiday/wd |
La xidhiidha |
|
Sharci ahaan ciida ayaa ah afar maalin oo loo yaqaan أيامُ التشريقِ maalmihii hilibaysiga, iyadoo in la soomo ay xaaraan tahay maalmahaas.
Xusuuso inuu Ilaahay Ibraahim u ballanqaaday in Badbaadiyaha oo ah Farcanka ka iman doono wiilkiisa Isxaaq. Ibraahim iimaan weyn buu lahaa. Wuxuu aamminay haddii uu Isxaaq dhinto inuu Ilaahay soo sarakicin doono. Sidaa daraaddeed Ibraahim diyaar buu u ahaa inuu wiilkiisa allabbari ugu bixiyo. Haddaba isla markaas intuunan dilin wiilkiisa malaaʼig xagga Ilaahay ka timid baa ka qabatay. Ilaahay wuu ku ammaanay Ibraahim inuusan ka lexejeclaysan wiilkiisa. Ilaahay ninkan aamminka ah ballamihiisii mar labaad buu ugu celiyay. Ibraahim wuxuu ahaa saaxiibkii Yehowah.