Kacbada
From Wikipedia, the free encyclopedia
Kacbada waa qiblada muslimiinta ee u jeestaan markay tukanayaan kuna dawaafaan xiliga Xajka waana dhismihii ugu horeeyay ee dhulka laga dhiso sida ay Diinta islaamka qabto[1] marka laga hadlayo Kacbada waxaa qasab ah in laga hadlo Masjidul-xaraam waayo waxay ku taalaa Kacbada Masjidul-xaraam dhaxdiisa ayadoo taariikhda masjidka ka bilaabanayso taariikhda Kacbada sharfoon[2]. siduu Islaamka qabo. Kacbada markii hore Malaa'igtaa dhistay Nebi Aadan hortii. magacyada Kacbada waxaa ka mid ah Baytul-xaraam waayo Alle ayaa ka xarimay in dhiig lagu daadshu dhaxdiisa, waxayna ka dhigantahay meesha dhulka dushiisa ugu sharafta badan[3] sida Quraanka kariimka ku cad (إِنَّ أَوَّلَ بَيْتٍ وُضِعَ لِلنَّاسِ لَلَّذِي بِبَكَّةَ مُبَارَكًا وَهُدًى لِّلْعَالَمِينَ (سورة آل عمران، الآية 96
wuxuu muslimku qabaa in Alaah faray Nebi Ibraahiim iyo wiilkisa Nebi Ismaaciil inay dib saro ugu qadaan Kacbada tiirarkeeda sida Quraanka kariimka ku cad
وَإِذْ يَرْفَعُ إِبْرَاهِيمُ القَوَاعِدَ مِنَ البَيْتِ وَإِسْمَاعِيلُ رَبَّنَا تَقَبَّلْ مِنَّا إِنَّكَ أَنْتَ السَّمِيعُ العَلِيمُ ﴾( البقرة:127))
Alle ayaa faray Nebi Ibraahiim in dadka faro Kacbada u soo Xajiyaan sida Quraanka kariimka ku cad (وَأَذِّن فِي النَّاسِ بِالْحَجِّ يَأْتُوكَ رِجَالا وَعَلَى كُلِّ ضَامِرٍ يَأْتِينَ مِن كُلِّ فَجٍّ عَمِيق) (سورة الحج 27)
Kacbada waxay ku taalaa bartamaha Masjidul-xaraam wanaa dhimo weyn oo joogiisa dhanyahay 15.mitir balaca dhankeeda irida ahna 12.mitir, halaka balaca dhanka gadaal ee dhanka masharaafta10.mitir yahay qaabkeedana u eg yahay dhagax weyn oo afar gees ah oo saro u qaadan[4]. waagii Nebi Ismaaciil c.s. wuxuu dhamaa dhirirka joogeda 9 dhudhun oo saanqaaf la'aan ah iyo irid iska banaan. ilaa uu ka yimid Tubbac oo saaray saanqaaf kadibna Cabdi mudalib oo u sameeyay ilabaab bir ah oo leh gaanjo Dahab ah wuxxuna ahaa qofkii ugu horeyay oo Kacbada Dahab ku xardha[5]