Biyoxidheen
From Wikipedia, the free encyclopedia
Biyoxidheen (Af Ingiriis : dam; Af Carabi : arā) waa dhisme weyn oo ka samaysan dhagaxaan, biro iyo qalab kale oo badan kaasi oo loogu tallo galay in uu celiyo qulqulka biyaha socda. Biyoxidheenada waxaa loo dhisaa sababo badan oo ka mid tahay in laga sameeyo il biyo dadku isticmaalaan, laga sameeyo koronto, laga waraabiyo beeraha waaweyn iyo in la maamulo socodka iyo jihada biyaha.[1]
Biyoxidheenadu waxay ka mid yihiin kaabayaasha bulshada kuwaasi oo laga helo waxyaabaha aasaasiga ah ee isku xidha isla markaana u adeega magaalo, degmo, gobol, wadan iyo wixii la mid ah.[2] Sida caadiga ah, kaabayaashu waxay u adeegan ama isku xidhaan bulshada waxayna saldhig u yihiin koboca dhaqaale iyo guud ahaan isku socodka shaqada.[3]