Kaabayaal
From Wikipedia, the free encyclopedia
Kaabayaal (Af Ingiriis : infrastructure; Af Carabi : arā) waa waxyaabaha aasaasiga ah ee isku xidha isla markaana u adeega magaalo, degmo, gobol, wadan iyo wixii la mid ah.[1] Sida caadiga ah, kaabayaashu waxay u adeegan ama isku xidhaan bulshada waxayna saldhig u yihiin koboca dhaqaale iyo guud ahaan isku socodka shaqada.[2] Kaabayaasha bulshada waxaa ka mid ah jidka, Laamiyada waaweyn, Buundooyinka, Biyo-xidheenada, wasakh-qaadeyaasha, wado tareen, dekedaha, koronto gudbinta, isgaadhsiinta, gego diyaarad iyo kuwo kale oo badan.