Bariga Afrika
From Wikipedia, the free encyclopedia
Bariga Afrika (Af Ingiriis : East Africa; Af Carabi : ar) waa gobolka dhaca bariga qaarada Afrika, taasi oo aad ugu kala duwan deegaan ahaan, juquraafi ahaan iyo siyaasad ahaan. Sida ku xusan qawaaniinta gobolada ee dejisay Jimciyada Qarama Midoobay[1] deegaanka Bariga Afrika waxay ka kooban tahay ilaa 20 wadan[2], kuwaasi oo kala ah:
- Tanzania, Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi iyo Koonfurta Suudaan – wadanadan oo dhaca Badhtamaha Bariga Afrika waxay dhammaan xubin ka yihiin ururka Bulshada Bariga Afrika (East African Community) (EAC).
- Soomaaliya, Djibouti, Eritrea iyo Ethiopia– dhowrkan wadan waxaa loo yaqaana Geeska Afrika.[3][4][5][6]
- Comoros, Mauritius iyo Seychelles – kuwani waa gasiirado ku dhex yaala Badweynta Hindiya.
- Réunion iyo Mayotte – gasiirado yaryar oo gacanta ku hayso wadanka Faransiiska.
- Mozambique iyo Madagascar – kuwaasi oo marar badan lagu xisaabiyo wadanada Koonfurta Afrika.
- Malawi, Zambia iyo Zimbabwe.
![Thumb image](http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/9/9b/LocationEasternAfrica.png/320px-LocationEasternAfrica.png)
Federaalka Bulshada Bartamaha Afrika
Juquraafiga Bariga Afrika waxaa ku jira deegaano ka baxsan gobolka kaasi oo Qaramada Midoobay ku soo dartey.