Yoghurt
From Wikipedia, the free encyclopedia
Yogurt (Af Carabi : ar, Af Ingiriis : yoghurt) waa cunto fudud oo laga diyaariyo caano garoor, khamiir, bakteeriya iyo midho la isku dhex qasay; taasi oo laga cuno dhamaan deegaanada caalamka. Sidoo kale yogurtku wuxuu leeyahay dhowr nooc taasi oo ku xidhan duxda ku jirta; sida yogurt dux badan leh iyo mid dux yar leh.[1][2][3]
![]() Baaquli ay ku jirto yogurt iyo midho | |
Magac kale | Yoghurt, Yogurti |
---|---|
Nooca | Cunto fudud |
Asal ahaan | Caalamka oo dhan |
Ka kooban | caano garoor, khamiir, bakteeriya |
Kala duwanaan | Yogurt dux badan iyo yogurt dux yar |
Sidoo kale fiiri: Cunto Soomaali • Cunto • Raashin (Qureec, Qado, Casho) |
Yoghurtiga waxaa laga diyaariyaa noocyo kala duwan oo caano ah kuwaasi oo lagu qasay fixiso, khamiir, biyo diiran, yeast iyo milix taasi oo si fiican loo garaaco (tumo) si ay iskudhexgalaan iskudarkaasi, ka dib meel la dhigo mudo saacado ah si ay u khamiirto.[4] Sida ugu badan daqiiqda laga diyaariyo laxooxda waxaa laga sameeyaa garowga.[5]
Yoghurt waxaa lagu diyaariyaa wakhti u dhexeeysa 24 saac iyo wixii ka badan.
Sida caadiga ah, laxooxdu waxay ka mid tahay qureec iyo cashada meelo badan oo dadka Soomaalidu ku dhaqan yihiin. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar xataa ku qadeeyaan laxooxda. Sidoo kale, loxooxda waxaa lagu darsadaa subag, malab ama suugo iyo koob shaah ama bun ah. Laxooxda la cuno wakhtiga qadada waxaa lagu darsadaa suugo ama maraq.[6]
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.