From Wikipedia, the free encyclopedia
Si'iid Harti ama Reer Khatumo ama Dhulbahante ama reer Darawiish waa qabiil Soomaaliyeed oo ku xeeran SSC-Khatumo state, iyo ka mid ah Harti ee beelwaynta Daarood[1][2][3]. Reer-Darawiish wuxuu degaa saddexda gobol ee u dhexeya Puntland iyo Somaliland Sool , Sanaag , iyo Cayn.[4] Dalka Soomaaliya waxay ka degaan jubooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo.[5][6] Dalka Itoobiya waxay ka degaan Soonaha Doolow gaar ahaan xaafadaha Bookh, Danot iyo Wardheer.[7] Farcanka beesha reer darawiish wuxuu kuu aasan yahay Badwein.[8]
Beeshu waxay caan ku tahay boqortooyada Diiriye Guure iyo halgankii uu la galey Boqortooyadii Ingriiska iyo dowrkii taariikhiga ahaa ay ka qaadatay taageerida Dhaqdhaqaaqa Darawiishta oo dagaal dhiig badan ku daatay ay la galeen quwadihii gumaysiga 1899 ilaa 1920.[9] Dhaxalkaas awgood, ayaa magaca Daraawiish wuxuu ku dhowaaday in oo la mid noqdo magaca qabiilkan.[10]
Magaca beesha Reer-Darawiish oo dhameestiran waa Saciid Saalax Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan bin Ismaaciil al-Jabarti . Dhulka aasaasiga beesha ayaa ah gobolka Haud iyo Dooxada Nugaal, [11] qaybaha qabiillada ee kala dega goboladaas ayaa la isugu yeeraa Reer Hawd iyo Reer Nugaal. Xilligan, beeshu waxay leedahay 13 Garaad (ugaasyada beesha). [12]Garaadka ugu sareeya ee madaxdhaqameedka ayaa ah Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka dhaxlay adeerkiis Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac.[13][14] Adeegsiga ciwaanka Garaad (ayaa aad ugu baahsan Dhulbahante),[15] waxaa markii ugu horaysay daah furay awowgii weynaa ee Garaad Shirshore oo horey ugaas ahaan ugu soo shaqeeyay.[16]
Sannadkii 1998, waxay beelaha kale ee Harti la aasaaseen Dawlad goboleedka Puntland sababo qaraabo wadaag awgood.[17][18][19] Si ku saleysan isir ahaan, xiriirka qabaailada Puntland iyo midnimada soomaaliyeed, ayaa codbixiyaasha Sanaag iyo gaar ahaan reer Sool waxay go’aansadeen inay aad uga yaraayeen aftidii madaxbanaanida iyo dastuurka Somaliland ee 2001.[17][20][21] In kasta oo beesha Reer-Darawiish ay ku kala jabtay khilaafkii 2007, iyada oo qaarna la safteen Somaliland iyo ciidamadeeda ee agagaarka Laascaanood , Baaqii Boocame ee 2007 ayaa dhammaan salaadiinta beelaha Reer-Darawiish diiday Ajendaha goosashada Somaliland ayna dalbadeen in laga saaro maleeshiyooyinkeeda dhulka dhaqanka u ah beesha. [22][23]
Qabsashadii Laascaanood ka dib 2007, waxaa soo ifbaxay dhaqdhaqaaq midow oo ujeedadiisu ahayd in Somaliland laga saaro dhulalka Reer-Darawiish. Dhaqdhaqaaqa loogu magac daray Maamulka Midnimada iyo Badbaadinta ee Gobollada SSC ee Soomaaliya ( Hogaanka Badbaadada iyo midaynta SSC (HBM-SSC )) waxaa hormood ka ahaa Saleebaan Ciise Ahxmed waxaana la aasaasey 2009.[24] Madax dhaqameedyada ugu muhiimsan ee taageeray Dhaqdhaqaaqa SSC waxaa ka mid ahaa Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, iyo Garaad Cali Buraale Xasan[25]
Beesha Reer-Darawiish waxay degtaa Taleex , waxay ku badantahay Xuddun iyo degmooyinka Laascaanood .[26] Xog ururin laga sameeyay degmada Laascaanood 2011 jawaab bixiyaasha ayaa loo aqoonsaday Reer-Darawiish 92.5% halka 2.5%, 1.5% iyo 1.3% loo aqoonsaday Hawiye , Bantu iyo Isaaq siday u kala horreeyaan.[27] Gobolka Sanaag beeshu waxay ka degtaa degmada Ceerigaabo ayada iyo beesha Habar Yoonis,[28] sidoo kale Togdheer, beeshaan ayaa ku badan Buuhoodle.[29] Degmada Buuhoodle waxaa laga dhigay gobol ka mid ah maamul goboleedka Puntland magaceedana waxaa loo beddelay Cayn sanadkii 2004.[30] . Sidoo kale ganacsatada Reer-Darawiish waxee degaan Jubaland, magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda.[5][6]
Dalka Itoobiya , beesha Reer-Darawiish waxay Gobolka Soomaali galbeed ka degaan aagga Doollow , gaar ahaan xaafadaha Bookh, Danot iyo Wardheer . Dalka Kenya gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari waxaa ku nool beel ku abtirsata Reer-Darawiish.[31]
Reer-Darawiish wuxuu si gaar ah u degay magaalooyinka waqooyiga Soomaaliya ee Laascaanood iyo Buuhoodle .[32] Waxaa intaa dheer inay si fiican uga muuqdaan magaalooyinka Ceerigaabo iyo Garoowe .
Tirada beelaha reer darawiish waxaa ah[33]:
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.