Ramadaanka From Wikipedia, the free encyclopedia
Ramadaan (Af Carabi: رمضان); dhawaaq: / məˈdɑːn/ ; sidoo kale loogu dhawaaqo: Ramazan, Ramzan, Ramadhan, ama Ramathan) waa bisha 9aad ee jadwalka taariikhda Islaamka.[1] waana bisha dadka Muslimka dhamaantood soomaan ayagoo tixraacaya sida uu farayo kitaabka Quraanka ee diinta Islaamka.[2][3]
Ramadan | |
---|---|
Dadka | Muslim |
Nooca | Qeyb ka mid ah Diinta Islaamka |
Loo dabaaldego | Aftur iyo salaad tukasho |
Wayabaha la sameeyo | |
Bilaabanta | 1 Ramadan |
Dhamaata | 29, ama 30 Ramadan |
Taariikhda | Ku xidhan taariikhda Hijriga |
Xilliga | hal mar sanadkii |
La xidhiidha | Ciid al Fidri, Laylat al-Qadr |
Bisha Ramadaan waa wakhti dadka Islaamka ah soomaan wakhtiga maalintii; isla markaana cibaadeystaan habeenkii ayagoo tukanaya salaado saa'id ah, sida taraawiixda iyo taajudka.[4]
Sidoo kale, bisha Ramadaan inta ugu badan waxay ku dhamaataa 29 maalmood ilaa 30 maalmood, wakhtigaasi oo lagu bilaabo aragtida dayaxa isla markaana lagu dhamaystiro aragtida bisha. Bishani waana bil dadka Islaamka aad iuo aad ugu muhima. waa bisha ay waajibka kutahay dadka islaamka ahi in ay soomaan amaba in aanay waxba cunin intaqoraxdu soo jeedo,sidookale raad gaar ah yay bishani islaamka kuleedahay dhaqan ahaan.waana bisha uu soodagay Qur'aanka Kariimka ahi.
Sida culimo badan isku raaceen ereyga "Ramadaan" wuxuu asal ahaan ka yimid ereyga Af Carabiga ramiḍa ama ar-ramaḍ, taasi oo macnaheegu yahay kulayl ama qalayl.[5]
Soonku waa mid waajib ku ah dhamaan dadka Muslimka ee qaangaadhka ah, marka laga reebo qofka xanuusan, kan safar ku jira, qof ka da'da ah (gaboow), dumarka uurka leh, dumarka naaska nuujinaya, dumarka dhiiga leh.[6]
Sida ku xusan taariikhda Islaamka, soonka bisha Ramadaan waxaa waajib (wājib) laga dhigay sanadkii labaad ee Hijrada, wakhtigaasi oo dadka Muslimiinta ahaa ka soo qaxeen magaalada Makka ayagoo u socda magaalada Medina.[7]
Quraanka iyo Axaadiista ayaa aad uga hadlay bisha Ramadaan iyo ajarka ku jira qofka guta tirkaan soonka ah. Fadliga bisha ramadaan waxaa ka mida in la furo albaabada jannada lana xiro albaabada naarta, lana xirxiro shayaadiinta inta waaweyn, taasoo muslinka u sahlaysa inuu ka fogaada macaasida allena ugu dhawaado cibaadooyinka suuban iyo daacooyinka u dhawaynaya jannada kana fogeynay naarta.
Nabi Muxamed (ﷺ) waxaa laga wariyay inuu yiri:
“Habeenka u horeeya Ramadaan waxaa la xirxiraa shayaadiinta iyo kuwa jinka ugu madaxa adag, albaabada naarta waa la xiraa, oo waxba lagamna furo, albaabada jannadana waa la furaa oo midna lagama xiro, mid dhawaaqa ayaa dhawaaqaya isagoo leh: "ninka khayr doonayow soo jeeso, ninka shar doonayow jooji sharta."
Ilaahay wuxuu leeyahay kuwa naarta laga xoreeyo, arinkaasna wuxuu dhacayaa habeen walba oo ka mida habeenada Ramadaan.”
(«إِذَا كَانَ أَوَّلُ لَيْلَةٍ مِنْ شَهْرِ رَمَضَانَ صُفِّدَتِ الشَّيَاطِينُ وَمَرَدَةُ الْجِنِّ، وَغُلِّقَتْ أَبْوَابُ النَّارِ، فَلَمْ يُفْتَحْ مِنْهَا بَابٌ، وَفُتِّحَتْ أَبْوَابُ الْجَنَّةِ فَلَمْ يُغْلَقْ مِنْهَا بَابٌ، وَيُنَادِي مُنَادٍ: يَا بَاغِيَ الْخَيْرِ أَقْبِلْ، وَيَا بَاغِيَ الشَّرِّ أَقْصِرْ . وَلِلَّهِ عُتَقَاءُ مِنَ النَّارِ، وَذَلكَ كُلُّ لَيْلَةٍ»)
Sidoo kale bisha Ramadaanka waxaa la soo dajiyay Kitaabka Quraanka waana bil barakysan oo dadka Muslinka u ah waqti aad ugu talo galaan, waa bil dambi dhaaf leh ajarkeedana u ka badanyahay ajarka bilaha kale la sameeyo, waa bil la aqbalo ducooyinka.
Aayad ku jirta Suuratul Al-Baqara ayaa leh:
(شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنْزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ فَمَنْ شَهِدَ مِنْكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ وَمَنْ كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِنْ أَيَّامٍ أُخَرَ يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ وَلِتُكْمِلُوا الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُوا اللَّهَ عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ Aya-185.png وَإِذَا سَأَلَكَ عِبَادِي عَنِّي فَإِنِّي قَرِيبٌ أُجِيبُ دَعْوَةَ الدَّاعِ إِذَا دَعَانِ فَلْيَسْتَجِيبُواْ لِي وَلْيُؤْمِنُواْ بِي لَعَلَّهُمْ يَرْشُدُونَ)
Intaas waxaa dheer in bisha barakaysan ee Ramadaan ku jirto habeenka ugu weyn sanadka, taasi oo ah habeenkii Quraanka Kariimka la soo dajiyay, waa habeenka Laylatul Qadar oo ka khayr badan kun bilood.[8]
Allah wuxu yiri subxaanahu watacaalaa:
(إِنَّا أَنْزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةِ الْقَدْرِ)
Ramadaanku waa bisha deeqsinimada iyo khayr falka, iyo wanaaga, waa bisha quraan akhriska la badiyo, oo taraawiixda iyo Tahajudka lagu nooleeyo habeennadeeda, waabisha sadaqada la badiyo sabarkana lagu barto maadaama laga soomayo waxyaabaha naftu jeceshahay oo ay ka midyihiin cunnada cabidda iyo u tagidda cidaha, sabarka ayaan ka muuqan meelaha kale sida uu uga muuqdo soonka, saas daraadeed culumadu waxay yiraahdaan soonku waa sabarka iyo dulqaadka badhkii, Abaal marinta dulqaadkana waa Jannada, ilaahay wuxuu yiri: (قُلْ يَا عِبَادِ الَّذِينَ آَمَنُوا اتَّقُوا رَبَّكُمْ لِلَّذِينَ أَحْسَنُوا فِي هَذِهِ الدُّنْيَا حَسَنَةٌ وَأَرْضُ اللَّهِ وَاسِعَةٌ إِنَّمَا يُوَفَّى الصَّابِرُونَ أَجْرَهُمْ بِغَيْرِ حِسَابٍ) waxaad ku tiraahdaa Adoomadayd i rumeeyayoow Rabbigiin ka dhowrsada kuwa wanaagsanaada aduunkaan waxay leeyihiin wanaag, ilaahay dhulkiisu waa balaadhanyahay, in kale maahee kuwa sabra waa loo oofinayaa abaal marintooda xisaab la'aan.[9][10][11][12]
Sidoo kale bushar ramadaan towbankeeda maalin ee hore waa raxmad, tobanka dhexena waa dambi dhaaf Tobannka ugu dambeeyana waa naarta oo la iska xoreeyo.[13]
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.