From Wikipedia, the free encyclopedia
Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa loola jeedaa Soomaalida joogta daafaha aduunka una leh dhaqan oo aan la dagin koox isirkooda ahayn. dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya wuxuu aad u kordhiyay tirada Qurbajoog, sidaas oo kale waxay sababtay in ay baxaan Soomaaliweyn dhankaas iyo Bariga dhexe, Yurub iyo Woqooyiga Ameerika. Laakiin Soomaali badan ayaa qurbojoog ahaa xitaa ka hor dagaalka Sokeeye, iyaga oo shaqo iyo waxbarashaba u aaday dalalka Carabta, si gaar ah Sacuudiga, Talyaaniga iyo Ingiriiska Deegaanka Cardiff[21] ee Ingiriiska waxaa uu muddo dheer hoy u ahaa Soomaali qurbojoog ah oo halkaa yimid wax badan ka hor xornimada Soomaaliya ee 1960dii.
Thiinada guud ee dadka | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
c.: 20-25 (1–1.5) malyan | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Meelaha ay ku badan yihiin | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Jasiiradda Carabta, Yurubta Galbeed, Woqooyiga Ameerika, Koonfur Afrika, Ooshiyaaniya | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Luqada | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Af-Soomaali (afka hooyo), Af-Carabi (luqada labaad ee Soomaaliya iyo Jabuuti); afaf kala duwan ee Yurubeed (luqadaha shaqada) | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Diinta | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Soomaalidu waxay ku kala baahsantahay dibadda si aan la hubin, taasoo u sabab ah iskumilanka u dhexeeya tirada qawmiyadda Soomaaliyeed iyo tirada muwaadiniinta Soomaaliya. Inta ugu badan ee Soomaalida haajirtay ee qurbajoogta u haajiray si qaxootinimo ah iyo magangalyo-doon, ilaa waqtigaas in badan oo ka mid ah waxa ay heleen degganaasho rasmi ah ama dhalashada. Guud ahaan, dadka asalkoodu yahay qawmiyadda soomaalida ioo adduunka soo-galootiga ka ah tiro ahaan waxaa lagu qiyaasaa 1,010,000 qof, ku dhawaad 300,000 deggan Bariga iyo Koonfur Afrika, 250,000 Woqooyiga Ameerika, 250,000 Yurub, 200,000 Bariga Dhexe, iyo 10,000 in Ooshiyaaniya.[22]
Isbarbardhigga, tirada qaxootiga ka yimid Soomaaliya una diiwaan gashan UNHCR waa ku dhawaad 975,951 qof. Dadkaas inta ugu badan waxaa laga diiwaan galiyay Kiinya (413,170), Yemen (253,876), and Ethiopia (250,988).[23] Sida ay la tahay USAID, inta badan meelahaas barakacayaasha waa meelaha u dhaw dhulka ay degaan Jareer Soomaali iyo kuwa laga tirada badanyahay. Sidaas daraadeed, qaybtaan waa laga saaraa qurbajoogta Soomaalida.
Waa halka ay ku nool yihiin tirada ugu badan qurbojoogta Soomaaliyeed ee Yurub
Waxa ay Soomaalidu bilowday imaanshaha dalkan wixii ka dambeeyay 1991 laakiin Soomaali badan waxa ay u arkaan inay tahay meel lagu meel gaaro iyada oo qorshahoogu yahay inay uga gudbaan dalalka kale ee Yurub.
Holland waa ku nool Soomaali aad u badan oo qaxootinimo ku tagay halkaas wixii ka dambeeyay 1991. Gabadha aad u dhaliisha Islaamka, Ayaan Xirsi ayaa ka mid ah Soomaalida qaxooti ahaanta ku tagay Holland.
Qurbojoogta Soomaalida ee Mareykankan ka ugu badan waxa ay ku nool yihiin Minnesota, iyada oo Ilham Cumar ay hadda u tartamayso kursiga xildhibaannimo ee deegaankaas.
Kanada waa ku nool Soomaali aad u badan. Axmed Xuseen oo Soomaali ah ayaa hadda ah wasiirka Socdaalka, jinsiyadaha iyo arrimaha qaxotiga ee Kanada, Canada.
Soomaalidu waxa ay Barriga Dhexe ku noolaayeen kahor dagaalka sokeeye. Waxa ay dalalka carabta u aadi jireen shaqo iyo aqoon-doon.
AFRICAN Continent Waa Qaarad Labaad ee aduunka Ugu weeyn Markasta:
soomaali badan ayaa ku nool dalalka kale ee africa basam kood sida: Ethiopia, Kenya, South Africa
(Yurub): Kulamada qaar ayaa sidoo kale lagu qabtay: Soomaali[24]
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.