Denimarki
From Wikipedia, the free encyclopedia
Remove ads
Denmark waa wadan ku yaalo Skandinafiyen ee woqooyiga qaarada yurub. Denmark iyo gobolada ee maamusho Griinland iyo Jasiiradaha Feroe waxaa la isku dhahaa Boqortooyada Denmark. Wadanka denmark wuxuu xuduud la leeyahay wadanka Jarmalka oo ka xiga koonfurta, waxaana ku wareegan bado kala duwan oo ah Badda Woqooyi, Skajirak iyo Kattegat,waxeena ka xigaan Galbeedka,Woqooyiga iyo Bariga.Danmark waxee ka koobantahay jasiirada Yulland iyo 406 jasiirado yar yar ah iyo kuwo waaweyn.Wadanka denmark waxaa la degenaan jiray 100,000 oo sano.intii lagu jiray Qarnigii Wikinka,shacabka danishka waxee aad u daneen jireen lakulanka caalamka. waxaana ka mid ah Madnimadii Kalamar iyo kuwo badan.Renaysans micnaheeda waxoo ahaa isbedel weyn oo kadhacay wadanka denmark, waa markii ee bilaabatay Isbedelkii Brotestantiga.Dastuurka danishka waxaa la saxiixay 5 Luuliyo 1849.waa markii oo bilaawday xukumada dimuqraadiga.Wadanka jarmalka waxoo denmark qabsaday Dagaalkii Labaad ee Aduunka, marka oo dagaalka dhamaaday denmark wee ka xoroowday.Markaas kadib wadanka waxuu ku biiray Neto kadibna Midowga Yurub.Wadanka waxuu qaxootiga badan soo galeen sanadihii u dhaxeeyay 1980meeyadii iyo 90kii.Maantana waxaa lagu eedeeyay sawiradii nabi maxamed (CSW) oo mudahaaraadyo badan luxay muslimiinta caalamka.Shacabka danishka waa dad isku dhaxjiro oo ka kooban qoomiyada danishka iyo qaxootiga,waxaana wadanka degan 5,5 miliyan oo qoys.
Luqada danishka waa luqada rasmiga oo looga hadlo.wadanka Denmark waa wadan Dastuur monarki ah.Raiisul wasaaraha wadanka waa madaxa sare,Baarlamaankana waa xukun dejin.Wadanka waxuu leeyahay 5 gobol iyo 98maamulayaasha degmooyinka.Denmark waa wadan taajir ah dhamaan shacabka ku nool waa dad waxbartay shaqeestana.
Remove ads
Taariikh
magacaabida magaca denmark waxaa loola jeedaa "Beeraleyda Danishka". taariikhda danmark waxee ka horeysay Qarnigii Dhagaxa, waxeena taariikhda u badantahay qarnigii dhaxa.Denmark waxaa laga helay alaab la isticmaali jiray 100,000 oo sano kahor, xiligii barafka. waxaana laga sameeyay dhagax la qoray.
Tixraac
Wikiwand - on
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Remove ads