Dowlad ku meel gaar

From Wikipedia, the free encyclopedia

Dowlad Ku Meel Gaadh ah (Af Ingiriis : transitional government, ama provisional government; Af Carabi : ar) waa dowlad xukunka wadan ula wareegta si degdeg ah taasi oo hadafkeedu yahay in si ku-meel-gaadh ah u hayso xilka dalkaas isla markaana dhisto dowlad iyo maamul tayo leh oo ayada bedela. Sida badan dowlad ku meel gaadh ah waxay timaadaa marka wadan ku jiro xaalad kala guur ah, sida colaado, af-gembi, weerar dal shisheeye iyo wixii la mid ah. Sidoo kale, dowladani waa mid la soo magacaabo dhamaan xubnaha xilka ka haya.

Dhinaca kale, dowladaha ku meel gaadhka ahi waxay xilka hayaan ilaa wadankaasi ay ka dhacayso doorasho.[1][2]

Qeybaha iyo Nidaamka

Sida ay sheegeen khubaro taariikhyahano iyo siyaasiyiin ahi dowladaha ku meel gaadhka ah waxaa loo qeybiyaa ilaa afar nooc:[3]

  1. Dowlad ku meel gaadh ah oo ku timid kacdoon (Revolutionary provisional governments).
  2. Dowlad ku meel gaadh awood qeybsi (Power sharing provisional governments).[4]
  3. Dowlad ku meel gaadh oo kali-talis ah (Incumbent provisional governments).
  4. Dowlad ku meel gaadh oo caalami ah (International provisional governments).[5]


Sidoo Kale Fiiri

Tixraac

Loading related searches...

Wikiwand - on

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.