![cover image](https://wikiwandv2-19431.kxcdn.com/_next/image?url=https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/5/52/Emblem_of_the_United_Nations.svg/langso-640px-Emblem_of_the_United_Nations.svg.png&w=640&q=50)
Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay
From Wikipedia, the free encyclopedia
Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay (Af Ingiriis : United Nations General Secretary) waa hogaanka sare ee Xoghaynta Qaramada Midoobay, qeyb ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan Qaramada Midoobay. Sidoo kale Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay waa afhayeenka iyo hogaanka guud ee Qaramada Midoobay.
- Maqaalkani wuxuu ku saabsan yahay madaxda Golaha Xoghaynta QM. Haku khaldin Madaxweyne Golaha Sare Qaramada Midoobay
Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay
| |
---|---|
![]() | |
Qaybta | Qaramada Midoobay Xoghaynta Qaramada Midoobay |
Maamuus | Jaale |
Xarunta | Sutton Place |
Loo magacaabay | Golaha Amniga |
Wakiilka | Golaha Sare |
Muddada xilka | 5 sano la cusbonaysin kara |
Xilka soo bilaabay | Trygve Lie |
La aas aasay | 26 Juun 1945 |
Ku xigeen | Xoghaye Ku Xigeenka Guud |
Website | www.un.org/sg |
Wakhti xaadirkan waxaa Xoghaye Guud ka ah Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo u dhashay wadanka Koonfur Kuuriya, kaasi oo xafiiska ku wareegay horaantii bishii Janaayo 2007. Jaale Banki Moon wuxuu xilku ka dhamaaday 31 Diisambar 2011, waxaana si muran la'aan au dib loogu doortay mar labaad 21 June 2011.[1]
Hadaba Banki Moon wuxuu xilku ka dhamaanayaa Diisambar 21, 2016ka, wakhtigaasi oo doorasho loo qaban doono cida xilka la wareegi doonta, maadaama mar sadexaad aan loo cusboonaysiin doonin sida uu dhigayo Dastuurka Qaramada Midoobay.