Sibidhi
From Wikipedia, the free encyclopedia
Sibidhi (Af Ingiriis : Grey; Af Carabi : ar) waa midab fudud oo giriftan ahaan u dhaxeeya madoowga iyo cadaanka. Midabkan waxaa lagu tilmaamaa dhexdhexaad, taasi oo macnaheedu yahay waa midab "bilaa midab ah".[2] Waa midabka daruuraha cirka, dambaska iyo curiyaha liidhka.[3] Sida lagu sheegay taariikhda midabada, midabka cowliga waxaa markii ugu horeeysay la isticmaali jirey sanadkii 700 C.D (Ciise Dabadii).[4][5]