Qolka fadhiga
From Wikipedia, the free encyclopedia
Qolka fadhiga (Af Ingiriis : living room; Af Carabi : arā) waa qol ka mid ah qolalka dhismeha kaasi oo loo isticmaalo in la dhex fadhiisto isla markaana lagu soo dhoweeyo martida iyo wixii la mid ah.[1] Sida ka muuqata magacaba, qolkani waxaa loogu talogalay nasashada, cawaynta, madadaalada, shirarka, dhacdooyinka xafladaha iyo wixii la mid ah, waxaana inta badan dhex yaala kuraasi, miisas, fadhiyo kala nooc ah, telefishin, raadiyoow iyo aalado kale oo loo isticmaalo madadaalada.