Nooc ka mid ah dhirta From Wikipedia, the free encyclopedia
Misir (Af Ingiriis : Lentil; Af Carabi : ar) magaca Saynis yahay "Lens culinaris" waa geed leh midho firiley ah oo la qoys ah bahda digirta.[1]
Lentil | |
---|---|
Misir | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
(darajo la'aan): | Angiosperms |
(darajo la'aan): | Eudicots |
(darajo la'aan): | Rosids |
Dirka: | Fabales |
Bahka: | Fabaceae |
Bahka hoose: | Faboideae |
Qabiilka: | Vicieae |
Duulka: | Firi Lens (genus) |
Noocyada: | L. culinaris |
Magaca laba-geesoodka ah | |
Lens culinaris Medikus |
Miraha misirtu waa kuwo yaryar, wareegsan sida goobada, khafiif ah, qolof ama dahaadh sare oo fudud leh, isla markaana midabo kala duwan leh taasi oo ku xidhan deegaanka, carada, nafaqada geedku helo iyo cimilada. Geedka misirku wuxuu gaadhaa ilaa 40 sentimitir dhererkiisu, midhahiisuna waxay ku dhex jiraan qolof wareegsan.[2]
Misirku wuxuu ka mid ahaa cuntada dadku cunaan wakhti aad u dheer, wuxuu xataa ka horeeyay dheriga. Sida lagu ogaaday baadhitaan ay sameeyeen culimo aarkiyoolojiis ah, waxaa geedka misirka lagu beeran jirey deegaanada carada nafaqada leh ee Bariga Dhexe iyo Bariga dhow ee galbeedka qaarada Aasiya wakhti imika laga joogo 9,500 sano ilaa 13,000 sano.[3]
Dhinaca kale, midabka midhaha misirku waa kuwo kala duwan, waxaana ka mid ah huruud, casaan, casuus, oranji, madoow iyo cagaar. Sidoo kale, qarada iyo xajmiga misirku waa kala duwan yahay; waxaa jira qaar aad u yaryar, kuwo dhexe iyo kuwo waaweyn.
Geedka misirku wuxuu adkeeysi u leeyahay abaaraha, waxaana laga beeran karaa meel kasta oo caalamka ah. Hay'ada Cuntada Aduunka ee Jimciyada Quruumaha warbixin ay soo saartay sanadkii 2013ka waxay sheegtay in caalamka oo dhani soo saaray 4,975,621 mitir ton oo misir ah. Wadana ugu sareeyay soo saarka iyo beerista misirka waxay ahaayeen isla sanadkaasi 2014ka Kanada, Hindiya iyo Turkiga.[4]
Dhinaca kale, qiyaastii wax ku dhow rubuc misirka caalamka waxaa soo saartey wadanka Hindiya, kaasi oo inta ugu badan lagu isticmaalay isla wadankaasi. Sidoo kale, wadanka Kanad ayaa iyadna noqotey mida koowaad ee ugu dhoofinta badan misirka caalamka.[5] Warbixin tirokoob ah oo dowlada wadanka Kanada soo saartay ayaa lagu xusay in sanadihii 2009 ilaa 2010, wadankaasi soo saaray tiro misir ah oo dhan 1.5 milyan mitir tons.[6]
Wadan | Mitir Ton | |||
---|---|---|---|---|
Kanada | 1,880,500 | |||
Hindiya | 1,134,000 | |||
Turkiga | 417,000 | |||
Ustareliya | 324,100 | |||
Maraykanka | 227,658 | |||
Aduunka | 4,975,621 | |||
Ilaha warka: Hay'ada Cuntada Aduunka, Waaxda Wararka[7] |
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.