Maxamed Tubeec
Fanaan / From Wikipedia, the free encyclopedia
Maxamed Saleebaan Tubeec (carabi: محمد سلمان تبيع) waa fanaan ka mid ahaa fanaaniinta ugu caansanaa suugaanta dadka Soomaalida ah. Fanaanku waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Hargeysa gobolka Waqooyi ee maanta ah magaalo madaxda wadanka Somaliland sanadkii 1943. Fanaanku wuxuu ahaa heesaa aad u cod macaan oo geyiga Soomaalieed aad looga jecel yahay. Codkiisa wanaagsan darteed waxaa lagu naaneysi jirey Boqorka Codka Fanka Soomaaliyeed.[1].
- Kani waa maqaal ku saabsan fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec. Haku khaldin magaca Maxamed.
- Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fadlan fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.
Tubeec Maxamed Saleebaan Tubeec محمد سلمان تبيع | |
---|---|
File:Tubeec.jpg Fanaanada Tubeec sanadkii 2001 | |
Ku dhashay | Maay, 21 1943 Hargeysa, Somaliland |
Dhimasho | Luuliyo 2013 ( 2003–2004 jir) |
Ku aasan | Berlin, Jarmalka |
Qoomiyada | Soomaali |
Shaqada | Heesaa, Fanaan, laxamiiste, jilaa |
Sanadaha Shaqada | 1963dii-2013 |
Ka tirsan | Kooxda Waaberi (1970-1998) |
Shaqooyinka ugu muhiimsan | Heeso wadani, qaraami, qaaci, heeso jacayl, qasaa'id |
Magaalada ka soo jeedo | Hargeysa, Somaliland |
Ciwaan | Boqorka Codka; Aabaha Fanka |
Diinta | Sunni Islaam |
Tubeec wuxuu ahaa shaqsi caan ka ah caalamka gaar ahaan gayiga somaalida sidoo kalle maxamed saleebaan tubeec waxaa lagu naanaysi jirey (boqorka-codka).
Sidoo kale waxay taariikh lama ilaawaan ah ka dhigeen tartanki fanka ee qarada africa maxamed saleebaan (tubeec) iyo xaliima khaliif (magool) oo ay halkaa ku hanteen biladihii ugu sareey labka iyo dhadigaba.
Sidaana ku noqdeen libaaxyadii qaarada Africa taariikh lama ilaawaan ahna kula soo laabteen gayiga Somalida.
Maxamed saleebaan wuxuu ku barbaaray magaalada (ber-bera) dadka aqoonta durugsan u leh wexey tilmaamaan inuu ahaa shaqsi Afgaaban.
Sidoo kale fanaanku wuxuu yaraantiisi fanka ka bilaabay magalooyinka berbera hargasa jabuuti isagioo gacac qabad ka heleya fanaano iyo abwaano kalle oo uu ka mid yahay walaalki jaamac saleebaan.
Faanaanku wuxuu kamid ahaa dadki dalka ka baxay markii u qarxay dagaalki sukeeye wuxuuna waqti joogay wadanka suuriya intaa kadib na waxaa uu usoo gudbay wadanka switzerland gaar ahaan magaalada genefa oo waqti kunoolaa heesihiisi halaasiga ahaana kusoo cusboonaysiiyey sida nasteexo .gufaaco.deeqa iyo qaarkaloo aynaan halkaan kusoo koobi karayn.
Waqti dheer kadib fanaanku waxaa uu soo gaba gabeeyey noloshiisi wadanka switzerland wuxuuna u wareegay wadanka denmark si uu ula midoobo qayb ka mid qoyskiisa.
Taariikhda dheer ka dib fanaanku waxaa uu tagay 2waqti qaarada africa oo mar ka mid ah uu bandhig faneed ku qabtay wadan jabuuti marna uu booqday ismaamulka Somalida Ethiopia.
Wuxuuna ah shaqsi aad ugu wayna loogana qadariyo gayiga somalida
Mudo ka dib fanaanka waxaa soo wajahay xanuun uurku jirta ah gaar ahaan sonbobka wuxuuna xaalada cafimaad u maray wadamada denmark sweden norwey intaa ka dibna waxaa uu so gudba wadanka germeny oo 2 qaliin looga sameeye una u geeriyooday akhirki.
Waxa u ku geeriyooday faanaanku 12kii Bishii March 2014 wadanka germeny, alle ha u naxariistee waxaana lagu aasay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Qubuuraha Dugsiga Sarre ee Booliska 16/03/2014.