Maryam
From Wikipedia, the free encyclopedia
Maryam bintu Cimraan (Af Ingiriis : Mary, "Mariam"; Af Carabi : ar; loo qoro: Marīam, loogu dhawaaqo: "Mariyam"; hooyo u ah: ﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰ; "Nebi Ciise"; ama: يسوع, loogu dhawaaqo "yasuuca") waxay ahayd qof muuminad ah oo dhashay isla markaana hooyo u ahayd nebigii Alle u soo direy reer [Israaiil|[banii Israaiil]] waa Nebi Ciise[1] (c.s).[2][3] Markey taariikhdu ahayd qiyaastii 20 sano C.H (Dhalashaddii Ciise Horteed) ayaa Maryama ku dhalatey magaalada Baytulaxam[4] ee ku taala dhulka ay Falastiiniyiintu degaan, waxay isla magaaladani ku dhimatey markey taariikhdu ahayd qiyaastii 100 ilaa 120 sano C.D.[5] Maryama waa qofta dumar kali ah ee lagu xusay marar badan kitaabka Quraanka ah. Ilaahay (koreeye) wuxuu Quraanka kariimka ah ku yidhi:
- Is-deji! ayay malaa'igtu ku tidhi: “Maryamaay! Ilaahay ayaa ku doortey adiga, waxaanad tahay mid nadiif ah oo laga kor mariyay dhamaan dumarka bulshooyinka oo dhan.”
- —Quraan, suurada 3aad (Al Cimraan), aayada 42aad[6]
- Haku khaldin Miryama bintu Cimraan oo ah Nebi Muuse walaashiis.
Dhinaca kale, suurada 19aad ee kitaabka Quraanka waxaa loogu magac-daray Maryama; taasi oo ka waramysa nolosheedii iyo camalkeedii. Intaasi waxaa dheer, Maryama bintu Cimraan waxay ka mid tahay sideeda qof ee loogu magac-daray suurad ka mid ah Boqol toban iyo afar Suuradood ee kitaabka Quraanka kariimka ah.[7]