![cover image](https://wikiwandv2-19431.kxcdn.com/_next/image?url=https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/e/eb/Coat_of_arms_of_Somalia.svg/langso-640px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg.png&w=640&q=50)
Maamulgoboleedka Soomaaliya
From Wikipedia, the free encyclopedia
Sida sharciga ah wadanka Soomaaliya wuxuu u qeybsamaa 18 gobol[1] Shan ka mid waxay ku taala Somaliland inta kale waxay uu kala baxa dhowr maamulgoboleed sida gobolada waqooyi-bari iyo badhtamaha ay gacanta ku hayso Puntland.[2] Intaasi waxaa dheer, tiro kale oo maamulgoboleedyo ah ayaa ka jira koonfurta iyo waqooyiga wadanka. Waxaa ka mid ah: Galmudug, Jubaland iyo tiro kale oo cusub.[3]
Si kastaba ha ahaatee, dhamaan maamulgoboleedyada waxaa laga rabaa ineey qeyb ka noqdaan Dawladda federaalka Soomaaliya, taasi oo wakhti xaadirkan u xilsaartey Baarlamaanka Federaalka inuu sameeyo isla markaana soo xaqiijiyo xuduudaha saxda ah ee maamulgoboleedyada ka jira wadanka Soomaaliya.[4][5]