From Wikipedia, the free encyclopedia
Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud
Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud (carabi: ﺑﺴﻢ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺮﺣﻤﻦ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ; ingiriis: In the Name of Allah, the Merciful and Most Gracious; af-carabi ahaan loogu dhawaaqo: Bismi Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi)[1] waa ereyada lagu bilaabo mar kasta oo la akhrinayo aayado iyo suurado ka mid ah kitaabka Quraanka kariimka ah ee Ilaahay (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Muxamedﷺ. Marka laga reebo Suuratul-Al-Tawba,[2] dhamaan suuradaha kale waxay ku bilaabmaan "Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud" (ﺑﺴﻢ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺮﺣﻤﻦ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ) Bismi Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi.[3]
Midani waa tan kala soocda isla markaana kala saarta Suuradaha ku jira Kitaabka Quraanka Kariimka ah.
Dhinaca kale, qeyb ka mid ah aayadaha Suurad ama suurada oo dhamaystiran ayaa la akhriyaa wakhtiga lagu gudo jiro tukashada salaada taasi oo rakcad kasta lagu bilaabo Suuratul-Al-Faatixa oo dhamaystiran.[4]"[5][6][7]
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.