Ismaaciil Mire
Gabyaa soomaaliyeed / From Wikipedia, the free encyclopedia
Ismaaciil Mire Cilmi (Af Ingiriis : Ismail Mire Elmi) madax wuxuu ka ahaa guutada Shiikhyaale. Wuxuu ku dhashay Lasadar, tuulo u dhow Buuhoodle qiyaastii 1862, geeriyooday 1950; wuxuu ahaa gabayaa, halabuur, hogaamiye iyo dagaalyahan Soomaaliyeed kaasi oo ka tirsanaa hogaanka sare Ciidankii Daraawiishta.[1][2] Ismaaciil Mire waxaa lagu xasuustaa gabayo badan oo dhaxalgal ah kuwaasi oo ka mid ah Suugaanta Soomaalida.